Markaan u fiirsano sayniska casriga ah iyo Qur’aanka Kariimka ah, waxaa suurtagal ah inaynu fahanno in burburka adduunka iyo u diyaar garowga Saacadda Qiyaame laga yaabo inuu bilaabmay kahor inta aan la abuurin Aadanaha!

Laakiin waxa cajiibka ah waa in xaqiiqooyin cilmi ah ay maanta si tartiib tartiib ah u muujinayaan waxyaabo Qur’aanku horey u sheegay — kuwaas oo qofka rumaysan kara inuu jiro Ilaahay.

Dhaarta Alle ee burburka xiddigaha

فَلَا أُقْسِمُ بِمَوَاقِعِ النُّجُومِ ٠ وَإِنَّهُ لَقَسَمٌ لَوْ تَعْلَمُونَ عَظِيمٌ
“Mayee, waxaan ku dhaartay meesha ay xiddiguhu ku dhacaan (burburaan), waana dhaar weyn haddii aad ogaan lahaydeen.”
— Surat Al-Waaqi’ah (56): 75–76

"Mawaaqi’ an-nujuum" waxaa loola jeedaa meelaha xiddigaha lagu arko inay ku dhaceen ama burbureen (science-ku wuxuu u yaqaanaa 'supernova').

Mufasiriinta sida Ibn Kathir waxay dhahaan: “Tani waa dhaar Ilaahay ku muujinayo wax weyn — waxaa laga wadaa meesha ay xiddigaha iftiinkooda naga soo gaaro — kaasoo mar hore burburay.”

Sayniska casriga ah wuxuu sheegayaa in xiddigaha aan maanta aragno ay yihiin kuwo burburay malaayiin sano kahor!
Yacni, xiddiga aad aragto ma aha mid hadda taagan, balse waa iftiin uu sii daayay markii uu noolaa — waqti aad u fog.

Haddii Qoraxda ay hadda burburto, iftiinkeeda inoo imanaya wuxuu nasoo gaarayaa 8 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi kadib — sababtoo ah masaafo dhan qiyaastii 150 milyan km ayaa inaga dhextaalla, taasoo iftiinku ku safro muddo ku dhow 8 daqiiqo.

Laakiin...

Xiddigaha kale (sida Proxima Centauri, Sirius, iwm) aad bay uga sii fog yihiin Qoraxda.

Tusaale:

Proxima Centauri, oo ah xiddiga ugu dhow ee ka baxsan nidaamkeenna qoraxda, wuxuu inaga jiraa 4.24 iftiin sanadeed.
Haddii uu burburo maanta, waxaan arki lahayn burburkiisa 4 sano iyo dhowr bilood kadib – markaasuu iftiinkiisii ugu dambeeyay nasoo gaari lahaa.

Light-Year (iftiin sanadeed) waa masaafo uu iftiinku ku safro hal sano gudaheed isagoo ku socda xawaaraha caadiga ah ee ah:

299,792,458 m/s (≈ 300,000 km/s)
1 light-year ≈ 9.46 trillion km

Haddii aad ku safarto xawaaraha dayax-gacmeedka ugu dhaqsaha badan (Parker Solar Probe ≈ 700,000 km/h), waxay qaadan lahayd qiyaastii 6,550 sano inaad gaarto.

Xiddigaha aad hadda aragto waxa laga yaabaa in aysanba jirin hadda, balse aad daawanayso muuqaal hore oo ay ka tageen — taariikh la iftiimiyay.

In burburka koonka, xiddigaha, iyo dhacdooyin waaweyn ay horey u dhaceen, balse raadkooda aynaan weli helin — waxaana suurtagal ah in Qiyaame iyo burburka cosmic uu si hor dhac ah u socdo meelaha aanan wali arag karin.

Marka aad aragto xiddig, waxaad daawanaysaa taariikh qadiim ah — ma aha wax hadda dhacaya. Haddii aad rabto inaad waqtiga dib ugu laabato (time travel), kaliya daawo xiddigaha; kuwaas oo taariikh ahaan jiray xilli aad u fog.

Xiddigaha iyo burburka cosmic: Aayado Qur’aanka ah

إِذَا السَّمَاءُ انْفَطَرَتْ ٠ وَإِذَا الْكَوَاكِبُ انْتَثَرَتْ
“Marka samadu dillaacdo, xiddiguhuna daataan…”
— Surat Al-Infitar (82): 1–2

إِذَا الشَّمْسُ كُوِّرَتْ ٠ وَإِذَا النُّجُومُ انْكَدَرَتْ
“Marka cadceedu laalaabanto, xiddiguhuna dhacaan…”
— Surat At-Takwiir (81): 1–2

إِذَا السَّمَاءُ انْشَقَّتْ
“Marka samadu kala dillaacdo…”
— Surat Al-Inshiqaaq (84): 1

Cilmiga Qiyaame: Ilaahay mooyee cid kale ma ogaan karto

إِنَّ اللهَ عِندَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ
“Ilaahay kaliya agtiisa ayay ku jirtaa cilmiga Saacadda (Qiyaame)…”
— Surat Luqmaan (31): 34

هَلْ يَنْظُرُونَ إِلَّا السَّاعَةَ أَنْ تَأْتِيَهُمْ بَغْتَةً
“Ma sugaan mooyee Saacadda inay ku timaaddo si kedis ah…”
— Surat Az-Zumar (39): 55

قَالَ رَسُولُ اللهِ ﷺ: "مَنْ مَاتَ فَقَدْ قَامَتْ قِيَامَتُهُ"
“Qofkii dhinta, Qiyaamadiisii waa timid.”
— Xadiis Xasan – Al-Albaani – Sahih al-Jaami’ (Hadith 6516)

Qiyaame laga yaabee inay hore u bilaabatay:

- Meelaha fog fog ee ka baxsan aragtideenna (deep space).

- Meelo laga arki karo iftiin xiddig ah oo horey u burburay.

- Burbur cosmic ah oo hadda bilowday, balse raadkeennu inaga soo gaarayo malaayiin sano kadib.

Sidaa darteed… ma laga yaabaa in Qiyaame ay horey u bilaabatay balse aynaan weli arag raadkeedii? Waa su’aal micne weyn leh, cilmi iyo iimaanba mudan.

Waa cajiib in wax aan hadda aragno aysan ahayn wax hadda dhacaya, balse ay yihiin wax dhacay malaayiin sano kahor — sidaa darteed Qiyaame-na waxaa laga yaabaa inay tahay wax horey u bilowday, maadaama burburka kownka mar walba uu socdo.

Weli ma ku fekertay in xiddiga aad aragto uusan jirinba, ee uu yahay xiddig hore u jiray?

Waxa aan ka hadlayno waa qiyaasaat iyo waxa nooga baxa, balse wixii saxda ah Ilaahay baa og. Waxaan kaliya u fiirsanaynaa si aan u fahanno Awoodda Ilaahay ee weyn.

إِنَّمَا يَخْشَى ٱللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ ٱلْعُلَمَـٰٓءُ
“Waxaa Eebe ka cabsada addoomadiisa dhexdiisa kuwa aqoonta leh.”
— Surat Faatir (35): 28

“Dunida waxaa loo uumay adiga; se adiga waxaa laguu uumay Aakhira.”

Awoodda Ilaahay wey cajab badan tahay.

— Sharafdin Yusuf