Ku Saabsan Milicsi
Mashruuc lagu sahaminayo nolosha la baaray.
Kusoo dhawaada gurigeyga internetka. Milicsi waa meel aan u sameeyay inaan ku keydiyo fikirradayda, kuwaas oo inta badan ku saabsan nolosha, waxbarashada, iyo buugaagta aan akhriyo.
Magacaygu waa Sharafdin Yusuf Sharafdin. Waxaan ahay qof jecel inuu wax barto, waxna qoro. Ujeedkaygu ma aha inaan dadka wax baro, balse waa inaan fahmo naftayda iyo adduunka igu xeeran. Qoraalku waa habka aan ku xalliyo jahwareerka maskaxda.
Maxaan ka qoraa?
Inta badan waxaan wax ka qoraa waxyaabaha i soo jiita. Mararka qaar waa falsafad, mararka qaar waa sheeko gaaban, marna waa faallo ku saabsan buug aan akhriyay. Ma jiro mowduuc gaar ah oo aan ku koobanahay.
Haddii aad jeceshahay inaad ila wadaagto fikirradaada, ama aad hayso buug aad ii soo jeedinayso, ila soo xiriir. Waad ku mahadsantahay booqashadaada.