Weli ma is weydiisay sababta aad u tahay jinsiga aad tahay? Maxaad u tahay rag? Maxaad u tahay dumar? Qur’aanka ayaa si cad u sheegay hadafka bani’aadam-ka: وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ – “Jinniga iyo insigaba uma aanan abuurin, rususha oo idilna uma aanan soo dirin waxaan ka ahayn ujeeddo sarrayso, oo ah in keligay la i caabbudo, oo aan cid kale la caabbudin.” (Adh-Dhaariyaat: 56). Hadafka nolosha waa cibaadada Alle, balse cibaadadaas waxaa ku dhisan nidaam uu Alle ku saleeyay taran, xiriir, iyo isku dhis bulsho oo rag iyo dumar ku wada socda.
Alle Qur’aankiisa wuxuu ku leeyahay: وَمِن كُلِّ شَيْءٍ خَلَقْنَا زَوْجَيْنِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ – “Wax kasta oo ah waxyaabaha jira waxaan abuurnay isaga oo ah laba nooc oo kala duwan; si aad ugu cibraqaadataan uguna waansantaan awoodda Alle.” (Adh-Dhaariyaat: 49). Laba jinsi ayuu naga dhigay, si aan isu dhammeystirno oo aan isu hanuunino.
Laakiin dhalinyarada maanta, guurka intooda badan way ka cararaan, gaar ahaan dumarka. Waxay u arkaan arrin aan muhiim ahayn oo dib loo dhigi karo ama laga maarmi karo. Hase yeeshee markaad fahanto macnaha dhabta ah, waxaad ogaan in guurku yahay sababta ugu weyn ee laguu abuuray, ka dib cibaadada Alle. Nebigu (NNKH) wuxuu yiri: “Guurku waa sunadayda, kii ka carara sunadayda igama mid aha.” Xadiiskani wuxuu muujinayaa in guurku yahay jidka xalaasha ah ee qofka Muslimka ahi ku dhammaystiro cibaadadiisa iyo akhlaaqdiisa.
Guurku waa dariiqa taranka iyo dhismaha qoyska, waana sababta kala jinsi la inoo kala dhigay. Sinadu waa dambi weyn, inkastoo uusan ahayn dil, dhac, ama dhibaateyn, haddana waa dembi culus oo Alle xarrimay sababtoo ah wuxuu baabi’inayaa nidaamkii xalaasha ahaa. Ilmaha ku dhasha sinada ma laha aabe, xitaa haddii la yaqaan kii xaaraanta ku dhalay, sababtoo ah wado sharci kuma dhalan. Taasi waa digniin cad oo muujinaysa in guurku yahay arin muhiim ah.
Dhalinyaro badan maanta waxay waqtigooda ku lumiyaan waxbarasho iyo shaqo, markay gaaraan da’da guurka waxay guurka u arkaan culays, halka ay si fudud ugu dhacaan xaaraanta. Natiijada waxay noqotay in guurka loo arko wax aan muhiim aheyn.
Marka aad Eebbe caabuddo kadib, maxaa guur ka muhiimsan? Hanti? Hantida maxaad ugu tacban, haddii aadan guri iyo carruur ku dhiseyn? Guur la’aantiisu waxay nolosha ka dhigtaa mid aan dhammaystirnayn. Hadaf kasta oo nolosha laga gaadho waxaa ugu dambeyn ugu muhiimsan guri iyo caruur.
Hadafka jinsiga oo aan la fahmin ayaa sababay in waxyaabo khatar badan loo qaato caadi – nin nin kale u taga, laba dumar isu taga, iyo jahawareerro kale oo badan. Laakiin marka aad dib u fikirto, waxaad garaneysaa in sababta aad u tahay rag ama dumar ay tahay in aad guursato, taran dhaco, bulshana la dhiso.
Marka jinsiga la fahmo waxaa muuqan sida uu guurka muhiim u yahay, waxaana la garan xikmadda Alle: laba nooc ayuu naga dhigay, si aan isu dhammeystirno, uguna wada soconno cibaadadiisa. Haddii aad rabto inaad fahanto sababta aad u tahay rag ama dumar, eeg guurka; waa halka jinsiga micnihiisa lagu garto, waana halka nolosha macnaheeda laga helo.
Qoys ❤️
— Sharafdin Yusuf