Versioning Software: Waa maxay MAJOR, MINOR & PATCH?

Software kasta wuxuu leeyahay lambar nooc (version) oo tilmaama halka uu marayo. Marka aad aragto 2.4.1, nambarkaas wuxuu kuu sheegayaa waxyaabo muhiim ah:

1. MAJOR (2.x.x) = isbeddello wax jabinaya (breaking changes). Wax ka beddel weyn oo koodhkii hore uusan la jaan qaadi karin. ➤ Tusaale: 1.9.4 → 2.0.0

2. MINOR (x.4.x) = astaamo cusub oo la jaan qaadi kara. Koodhka hore wuu sii shaqeynayaa. ➤ Tusaale: 2.3.0 → 2.4.0

3. PATCH (x.x.1) = dayactir iyo bug-fix oo keliya. Ma jiraan astaamo cusub.
➤ Tusaale: 2.4.0 → 2.4.1

Maxay muhiim u tahay?
Versioning waxay kaa caawinaysaa inaad fahamto:

1. In aad si nabad ah u cusboonaysiin karto (upgrade)

2. In wax laga beddelay astaamaha ama API-yada

3. In software-ku leeyahay nidaam & qorshe cad

Soplang tusaale ahaan:

1. Minor walba: Bil kasta → astaamo cusub

2. Patch walba: Usbuuciiba → dayactir & amni

3. Major: Marka koodhkii hore burburayo oo isbedel weyn dhacaayo

Talooyin:

1. Qeex hanaanka version-ka mashruucaaga

2. U samee automatic changelog iyo tag

3. Ka digtoonow marka aad wax tirtirto → deprecate → digniin → delete

4. Haka boodin lambar – caddeynta taariikhda waa muhiim

Gunaanad:
Version-ka software-kaaga ma aha tiro iska baxay – waa luuqadda aad kula hadleyso isticmaalahaaga. Haddii aad rabto kalsooni, is-faham iyo koboc, hadalkaagu ha noqdo mid lambarro leh oo la fahmi karo.

— Sharafdin Yusuf