Caawa waxaa jira kulan adag oo u dhexeeya Islam Makhachev iyo Jack Della Maddalena, dagaal ka tirsan habeen weyn oo ay UFC martigelinayso, halkaas oo miisaanka, xirfadda iyo istaraatijiyadda dagaalku ay ka badan yihiin xoog keliya. Waa habeen ay taageerayaal badan sugayeen, waayo UFC ma aha oo kaliya meel dadka isku dagaalaan, balse waa nidaam aad u fac weyn oo leh sharciyo iyo qaab-dhismeed cad oo laga dhaxlay tobannaan sano oo tartan, miisaan, iyo tababar joogto ah.
UFC waxay u shaqaysaa hab ka duwan waxa dadka badankood moodaan. Dagaalyahan kastaa ma aha inuu la dagaallami karo qof kasta oo uu rabo. Waxay ku bilaabataa isagoo galaya division u gaar ah, taas oo ku xiran miisaankiisa dabiiciga ah. Divisions-ku waa nidaamka qeexaya cidda la tartami karta cidda kale, si loo helo caddaalad iyo badbaado. Haddii miisaankaagu yahay 77 kg, weligaa laguma aadin doono qof 93 kg ah, maxaa yeelay farqiga jir ahaaneed ayaa dagaalka ka dhigaya mid aan macquul ahayn.
Waxaa jira devisions badan,
Flyweight — 56.7 kg, Bantamweight — 61.2 kg, Featherweight — 65.8 kg, Lightweight — 70.3 kg, Welterweight — 77.1 kg, Middleweight — 83.9 kg, Light Heavyweight — 93 kg, Heavyweight — ilaa 120.2 kg.
Ka hor inta uusan qofku dagaalamin, waxaa jira weigh-in, halkaas oo dagaalyahanku yahay inuu muujiyo miisaankiisa saxda ah. Halkaas ayaa dagaalka runta ahi ka bilowdaa.
Marka ay galaan qolka dagaalka, UFC waxay leedahay hab cad oo lagu kala reebo guusha. KO ama TKO waa marka dagaal la joojinayo sababtoo ah mid baa awooddiisa lumiyay. Submission waa marka dagaalyahan uu dabin ku qabto midka kale, sidii choke ama armbar. Haddii dhammaan rounds-ka lagu wada adkaysto, garsoorayaashaa go’aamiya cidda dagaalka ku fiicnayd.
Marka champion-ku belt haysto, waa inuu difaacdaa. Haddii uu guuldareysto, belt-ku wuu wareegaa. Haddii uu mar badan gaaro guul, wuxuu noqdaa halyeey division-kaas lagu xusuusto.
Habeenkan oo kale, marka dagaalyahannada sida Makhachev iyo Della Maddalena ay u istaagaan octagon-ka, ma aha oo kaliya laba qof oo dagaalamaya. Waa laba nidaam oo isku dhacaya, laba falsafadood oo isku tijaabinaya, iyo laba shaqsi oo doonaya in ay caddayn u keenaan dunida inteeda kale. UFC sidaas ayay u shaqaysaa, ma aha hal habeen oo kaliya, waa safar adag oo loogu jiro in la gaaro heerka ugu sarreeya ee qofku naftiisa gaarsiin karo. Markii aad taasi fahanto, waxaad arkeysaa in dagaalka caawa uu yahay wax ka badan iska hor imaad; waa qeyb ka mid ah taariikh dheer oo weli socota.
— Sharafdin Yusuf