Qarnigan aan noolnahay waxaa soo batay munaafaqiinta. Waxaad arkaysaa muslimiin aan u damqanin walaalahooda muslimka ah ee geeriyooday, balse marka qof gaal ah oo caan ah dhinto waxay u diraan tacsi iyo ducada ah: “Ilaahay ha u naxariisto.” Markii laga hadlaayo qadiyadda Falastiin waxay ku leeyihiin: “Maxaa naga galay?” Tani waa fitno cad oo ka muuqata bulshada maanta.
Ilaahay wuxuu yiri:
مَا كَانَ لِلنَّبِيِّ وَالَّذِينَ آمَنُوا أَنْ يَسْتَغْفِرُوا لِلْمُشْرِكِينَ وَلَوْ كَانُوا أُو۟لِى قُرْبَىٰ مِنۢ بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُمْ أَصْحَٰبُ ٱلْجَحِيمِ
“Uma habboona Nabi Muxammad iyo mu'miniinta inay mushrikiinta dambi dhaaf u weydiiyaan, xitaa haddii ay xigto yihiin, kadib markii ay ku dhinteen shirki iyo sanam caabud, oo ay u caddaatay inay jaxiimo asxaabteeda yihiin, maadaama ay shirki ku dhinteen, Allana mushrikiinta uma dambi dhaafo. (At-Tawba: 113)
Rasuulku ﷺ wuxuu yiri:
اسْتَأْذَنْتُ رَبِّي فِي أَنْ أَسْتَغْفِرَ لَهَا فَلَمْ يُؤْذَنْ لِي، وَاسْتَأْذَنْتُهُ فِي أَنْ أَزُورَ قَبْرَهَا فَأُذِنَ لِي، فَزُورُوا الْقُبُورَ فَإِنَّهَا تُذَكِّرُ الْمَوْتَ
“Waxaan u idmay Rabbigay inaan u baryo dambi dhaaf hooyaday, wuuna iga diiday. Waxaanan u idmay inaan booqdo qabrigeeda, wuuna ii idmay. Haddaba booqda qabuuraha, waayo waxay idin xusuusinayaan geerida.”
(Sahih Muslim, xadiis 976)
Murugo iyo damqasho waa dareen bani’aadamnimo, waana caadi inaad murugootid haddii qaraabo ama deriskaaga gaal ah dhinto. Laakiin ducada naxariista iyo magfiraadda waa la reebay haddii uu qofkaas ku dhinto gaalnimo. Intuu nool yahay waa loo baryi karaa hanuun iyo caafimaad, laakiin markuu ku dhinto gaalnimo, baryadu ma banaana.
Fitnada maanta ka muuqata bulshada waa mid cad: muslimka geeriyooday looma tacsiyeynayo, halka gaalka geeriyooday loogu ordo “Allah ha u naxariisto.” Tani waa khatar ku timid aqoonta iyo caqiidada muslimiinta.
Qofka muslimka ah waa inuu ogaadaa in qof gaalnimo ku dhinta aan loo ducayn karin, xitaa haddii uu yahay waalid ama qaraabo dhow. Qur’aanka iyo Sunadu way ku caddahay. Murugo waa lala yeelan karaa, laakiin ducada naxariista looma oggola. Fitnada munaafaqnimaduna waa in laga ilaaliyo quluubta.
— Sharafdin Yusuf