Smart Contracts – Heshiisyo Casri ah oo aan Gacan Dad ku Jirin
Smart contract ama heshiis caqli leh waa barnaamij lagu qoro blockchain, kaasoo si toos ah u fulinaya qodobbada heshiis marka shuruudaha la xiriira la buuxiyo – iyadoon loo baahnayn garsoore, qareen ama qof saddexaad oo dhex gala.
Si kale haddii loo dhigo, smart contract-ku waa “software” dhigaya: “Haddii arrin A dhacdo, samee arrin B” – wax walba si otomaatig ah ayuu u socdaa.
Sidee ayuu u shaqeeyaa?
Smart contracts waxa lagu code gareeyaa blockchain-yada la dhisay si loogu adeego barnaamijyada caqliga leh. Tusaale ahaan, Ethereum waa mid kamid ah blockchains-ka ugu caansan ee smart contracts lagu qoro, waxaana lagu qoraa luqad loo yaqaan Solidity.
Qiyaas inaad leedahay website ama app iibinaya tigidho (tickets) – waxaad ku dhisi kartaa smart contract sidaan ah:
> "Haddii qof lacagta $10 usoo diro cinwaankan, u dir tigidh digital ah."
Waxaana taasi si toos ah u fuliya smart contract-ka – ma jiro qof gacantiisa ku xaqiijinaya.
Tusaale la taaban karo
Qof Soomaali ah ayaa doonaya inuu kiraysto guri ku yaal Nairobi muddo 1 bil ah. Meesha heshiis buug ah ama warqad lagu qoro, waxay adeegsadaan smart contract.
Marka qofkii kiraystay uu lacagta blockchain ku diraayo:
Smart contract-ka ayaa si otomaatig ah u xaqiijinaya in lacagta timid
Keydka furaha guriga (digital lock) ayuu usoo dirayaa
Dhamaadka bisha haddii lacagta kale la waayo, waxay xiranaysaa
Heshiiskaas oo dhan wuxuu ku shaqeynayaa blockchain, mana jirto cid si toos ah u faragelin karta ama u beddeli karta.
Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay?
Soomaaliya waxay la tacaaleysaa kalsooni darro iyo musuq. Smart contracts ayaa noqon kara xalka cusub ee hufnaanta. Waxyaabaha laga faa’iidi karo waxaa kamid ah:
Mashruucyada dawladda: Qandaraasyada la bixiyo oo si furan loo arki karo
Xafladaha ama adeegyada lacagta ku shaqeeya: Sida xaflad faneed ama training la bixinaayo – smart contract ayaa xaqiijin kara cidda iska diiwaan gelisay, lacagta bixisay, iyo tigidhka heshay.
Kirada dhismayaasha: Kireystaha iyo milkiilaha oo aan is-arag, balse ay heshiiskooda smart contract ku fulayo.
Smart contracts waxay Soomaaliya u noqon karaan dariiq cusub oo lagu gaari karo hufnaan, kalsooni, iyo xisaabtan. Meeshaan hadda qof walba ku jiro “word of mouth”, waxay beddel u noqonayaan heshiisyo digital ah oo la isku halleyn karo – gacan dadna aan ku jirin.
— Sharafdin Yusuf