Sino (زِنَى) waa caado aad u xun. Qofkii ku dhaca waxa uu galay bohol madow oo aan sahlanayn in laga soo baxo. Waxaa la yiraahdaa qofkii ku dhaca sino, Alle barakada ayuu ka qaadaa, qalbigiisana nuuroo idil waa ka go’a.
Xitaa marka uu guursado, qofkii caadadaas lahaa wuu sii wadaa. Sinadu ma noqoto baahi dabiici ah ee waa caado xun oo qofku yeesho. Dhab ahaantii, baahi ilaa heer qof sino uu ku dhaco ku qasabta ma jirto.
Qarnigan aan joogno, sinadu waxay noqotay halbeeg ragannimo iyo horumar: (“Update ma tihid, update iska dhig”). Guurkii waa yaraaday, dhalinyaradana waxay cudur daar ka dhigtaan: “Inaan shaqeysto ayaan rabaa,” “Horumar ayaan doonayaa,” “Guurku waa halis,” “Waa cabsi.” Wax walba waa loo adeegsadaa sidii looga carari lahaa guurka.
Natiijadu waxay noqotay in dhalinyaro badan ay ku dhacaan sino, guurkiina ay ka sii fogaadaan.
Qur’aanka Kariimka ah wuxuu leeyahay:
وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَىٰ إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا
“Hana u dhowaanina sinada iyo waxyaabaha keenaya; si aydaan ugu dhicin, arrinkaasi waa fal aad u xun, waddo la marana iyadaa ugu xun.”
(Al-Israa: 32)
Ha sameynina ma aha ee waa ha u dhowaanina! Haddii aad feker yar geliso oo aad ku fekerto, waxaa kuu soo baxaysa in xitaa ay wax weyn tahay inaad taabato gacanta gabar aan xalaal kuu ahayn.
Xadiith Nabiga ﷺ ahna wuxuu leeyahay:
ما من ذنب بعد الشرك أعظم عند الله من نطفة يضعها الرجل في رحم لا يحل له
“Dembi Alle agtiisa ka weyn shirkiga ka dib, ma jiro mid ka daran nin shahwadiisa aada xubinta haweeney aan xaaskiisa aheyn.”
(Sunan Abī Dāwūd)
Waa xaalad murugo leh, Allah ha naga badbaadiyo.
— Sharafdin Yusuf