“Fardaha loo tababaro dagaalka, cayaar kuma habboona.”

Markii Salaaxudiin Ayoobi yaraa, ayaa mar uu carruur la ciyaarayay. Aabbihiis Najm al-Diin Ayyub arkay, wuu canaantay isagoo ku dhahay:
“Adiga kuuma dhalin in aad ciyaarto, waxaan kuu dhalay inaad Baytul Maqdis furto.”

Hadalkani wuxuu noqday fariin noloshiisa dhan qaabeeyay. Wuxuu xasuusinayaa in qofka leh masuuliyad weyn iyo himilo sare, uusan boos ku lahayn ciyaar iyo sahal.

Sannado kadib, salaaxudiin wuxuu noqday hoggaamiyihii Muslimiinta u horseeday guusha weyn ee furashada Baytul Maqdis.

— Sharafdin Yusuf