Qur’aanka Kariimka ah waxa uu erayga Qalb xusay in ka badan boqol jeer. Marka qofku maqlo qalbi, waxa ugu horreeya ee uu maskaxdiisu ku soo dhaca waa wadnaha. Laakiin Qur’aanka marka uu adeegsanayo eraygan, badanaa wadnaha olama jeedo, ee waxa uu tilmaamayaa meel ka qoto dheer, oo la xidhiidha ruuxa, nafta, dareenka iyo shakhsiyadda gudaha.

Qur’aanku qalbi mar waxa uu ugu yeedhay maskaxda iyo awoodda garashada. Surah Qaaf aayadda 37 Alle wuxuu leeyahay: إِنَّ فِي ذَلِكَ لَذِكْرَی لِمَن كَانَ لَهُ قَلْبٌ أوْ ألْقَی السَّمْعَ وَهُوَ شَهِيدٌ “Halaagidda ummadihii hore ee tegay cibro ayay u tahay qof kasta oo leh qalbi uu wax ku garto, ama dhega-raariciya, qalbigiisuna uu joogo, oo aan ahayn mid maahsan ama halmaansan.” Halkaas qalbi micnihiisu waa aql, maskax iyo fikir.

Meelo kale Qur’aanku qalbi ayuu u adeegsaday ruuxda. Surah Ahzab aayadda 10 waxa lagu sheegay: وَبَلَغَتِ الْقُلُوبُ الْحَنَاجِرَ – “qalbiyadu cunaha soo gaadheen.” Wadnahu cunaha sooma gaaro, balse ruuxda marka ay ka bixi rabto jirka ayey halkaas gaadhaa. Sidaas darteed qalbi halkan waa nafta.

Qur’aanka waxa kale oo uu qalbiga ku tilmaamay xarunta dareenka iyo shucuurta. Surah Anfaal aayadda 12 Alle wuxuu yidhi: سَأُلْقِي فِي قُلُوبِ الَّذِينَ كَفَرُوا الرُّعْبَ – “Waxaan qalbiyada kuwa gaalada ah ku ridayaa cabsi.” Cabsi waa dareen, ma aha fikir. Surah Aali Cimraan aayadda 159 waxa lagu sheegay: وَلَوْ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ الْقَلْبِ لاَنفَضُّواْ مِنْ حَوْلِكَ – “Haddii aad qalbi adkaan lahayd way kaa carari lahaayeen.” Qalbi adag halkan waa shucuur qallafsan.

Qalbiga waxa kale oo Qur’aanku u adeegsaday xarunta shakhsiyadda bini’aadamka. Maskaxdu xog ayay ururisaa, laakiin waxa go’aamiya fahamka iyo dareenka waa qalbiga – oo micnihiisu yahay ruuxa. Markaad tiraahdo “anigu waxaan ahay hebel” waxa aad tilmaamaysaa waxa gudaha ku jira, kaas oo Qur’aanku ugu yeedho qalbi. Waa wajiga gudaha ee qofka, halka laga ogaado inuu daacad yahay ama khiyaanoole yahay, inuu daahir yahay ama wasakh yahay.

Alle wuxuu Qur’aanka ku leeyahay: يَوْمَ لاَ يَنفَعُ مَالٌ وَلاَ بَنُونَ إِلاَّ مَنْ أَتَى اللَّهَ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ (Shu’araa 88–89) – “Maalintaas maalka iyo carruurtu waxba ma tarayaan, aan ka ahayn kan Alle ula yimaada qalbi daahir ah.” Sidaas darteed qalbiga caafimaadka qaba waa mid nadiif ah oo aan wax kale ku jirin marka laga reebo Alle. Qur’aanka meelo kale waxa uu ka hadlay qalbi rajo leh, qalbi cudur qaba, qalbi buka. Surah Baqarah aayadda 10 Alle wuxuu yidhi: فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ فَزَادَهُمُ اللّهُ مَرَضاً – “Qalbiyadooda waxa ku jira xanuun, Alle-na wuu u kordhiyey xanuunkaas.”

Cibaadooyinka Ramadaanka iyo waqtiyada kale ee Alle loogu dhowaado waxa ugu weyn ee laga damacsan yahay waa daahirinta qalbiga. Waa in qalbiga laga saaraa xaasidnimada, nacaybka, kibirka iyo xumaanta oo dhan. Imam Saadiq (cs) wuxuu yiri: “Qalbiga caafimaadka qaba waa kan Rabbigiisa la kulma iyadoo aan cid kale ku jirin marka laga reebo Eebbe.” Taasi waa Qalbun Saleem.

Qalbiga nadiifka ahi wuxuu gaadhi karaa martabado sare. Wuxuu noqon karaa mid Alle ku mannaysto xigmado iyo iftiin gaar ah. Qur’aanku wuxuu sheegay: وَإِنَّهُ لَتَنزِيلُ رَبِّ الْعَالَمِينَ • نَزَلَ بِهِ الرُّوحُ الْأَمِينُ • عَلَى قَلْبِكَ لِتَكُونَ مِنَ الْمُنذِرِينَ • بِلِسَانٍ عَرَبِيٍّ مُّبِينٍ (Shu’araa 192–194) – “Xaqiiqdii qur'aankan lagu xusay qisooyinkan runta ah, waa mid laga soo dejiyay Allaha khalqiga abuuray xaggiisa, kaa oo milkiya arrinka oo idil, waxaa la soo degay jibriilkii aaminka ahaa, wuuna kugu dul akhriyay rasuulow ilaa aad ku xifdisay qalbigaaga kana fahantay; si aad uga mid noqotid rususha Alle ee ku cabsigeliya ummadahooda ciqaabta Alle, oo aad ugu digto qur'aankan lasoo dejiyay jinniga iyo insiga dhammaantood. Jibriil baa kugu soo dejiyay isaga oo ah carabi fasiix ah, micnihiisuna ku cadyahay wixii ay uga baahan yihiin ee ku saabsan hagaajinta arrimahooda diin iyo adduunyaba.” Qalbiga Nebiga (scw) wuxuu yeeshay awood uu ku arko xaqiiqda. Surah Najm aayadaha 11–18 waxaa lagu sheegay: مَا كَذَبَ الْفُؤَادُ مَا رَأی… لَقَدْ رَأی مِنْ آيَاتِ رَبِّهِ الْكُبْرَی – “Qalbigu ma beenin waxa uu arkay… Wuxuu arkay calaamadaha Rabbigiisa ee waaweyn.”

Marka Qur’aanku ka hadlo qalbi, wuxuu ula jeedaa xarun weyn oo ay ku midoobeen garashada, ruuxa, shucuurta iyo shakhsiyadda gudaha. Waxaa jira qalbi caafimaad qaba, qalbi buka, qalbi cabsi leh, qalbi rajo leh, qalbi nadiif ah, qalbi wasakhaysan. Waxaa lagu qiimeeyaa qofka waxa qalbigiisa ku jira. Sidaas awgeed waxa ugu muhiimsan ee qofka Muslimka ahi ku dadaalo waa inuu qalbigiisa daahirsado si uu maalinta qiyaame Alle ugu tago isagoo wata Qalbun Saleem.

— Sharafdin Yusuf