Xisaabtu waa luqadda koonka — waa dhawaaqa aamusan ee ay caddaaladda Alle ku hadasho, waa nidaamka aan indhaha lagu arkin balse lagu dareemo habsami socodka nolosha. Xiddiguhu u ma wareegaan si aan nidaam lahayn, roobkuna uma da’o si iskiis ah; xeerar adag oo xisaabeed ayaa hagaya, sidaas darteed xisaabtu waa furaha fahamka nolosha iyo qaddarka.

Dadku inta badan waxay isku qaldan laba fikradood oo kala fog: possibility iyo probability. Labaduba waa erayo qurux badan, laakiin mid waa riyo, midna waa xaqiiqo. Possibility waa waxa dhici kara, probability waa inta ay u dhowdahay inay dhacdo. Mid waa albaab furan, midna waa furaha go’aaminaya intee in le’eg ayuu furan yahay.

In theory, wax walba waa possible. Waxaa suuragal ah in isla hadda aad $100 bilyan heshid, in berri xiddig uu dhaco, ama in biyaha webi dhan si lama filaan ah cirka ugu duulaan. Laakiin in practice, waxaas dhammaan ma laha probability macquul ah. Dunida looma maamulo si ku saleysan waxa suuragal ah, ee waa waxa suurtogalnimadiisu caqli gal tahay. Aragti ahaan wax kasta waa possible, balse kaliya waxa leh probability la xisaabin karo ayaa dhaca.

Eebbe Weyne wax walba wuu awoodaa, laakiin wax walba iskama sameeyo. Wuxuu u dejiyey koonka nidaam, sabab iyo xeerar uu xakameeyo. Xisaabtaas Rabbaani ah ayaa ah sababta aan ugu kalsoonahay in qoraxdu berri soo bixi doonto, in beer la waraabiyo ay midho dhalayso, iyo in noloshu ay u socoto si aan is-bedbeddelin. Haddii dunidu ku socon lahayd “everything is possible,” noloshu waxay noqon lahayd fawdo, qofna ma ogaan lahayn waxa dhici kara. Sababta aynu ugu noolnahay nolol xasiloon waa in Alle u dejiyey probabilities iyo xeerar go’an — sababta, waqtiga, iyo natiijada.

قال الله تعالى: "إِنَّا كُلَّ شَيْءٍ خَلَقْنَاهُ بِقَدَرٍ" “Wax kasta waxaan u abuurnay qadar iyo miisaan.” (Al-Qamar: 49)

Aayaddani waxay inoo sheegaysaa in koonku uusan ku shaqeyn fawdo, balse uu leeyahay nidaam iyo xad go’an. Xitaa waxa u muuqda lama filaan, waa qayb ka mid ah xisaabta Eebbe dejiyey. Sidaa darteed, noloshu ma aha dhacdo aan la xukumin, waa xisaab uu qaddar Alle u dhigay.

Marka la eego nolosha, in aad guuleysato waa possible, balse in aad guuleysato adigoon dadaalin ma laha probability. In aad bogsato waa possible, balse in aad bogsato adigoon daawo qaadan waa improbable. Dunidu kuma shaqeyso “wax walba waa suuragal,” ee waxay ku shaqeysaa “wax kasta waxay dhacaan marka ay suurtagalnimadoodu la jaanqaaddo sababta iyo waqtiga.”

Fikirku wuxuu jecel yahay xorriyad, balse xaqiiqadu waxay jeceshahay xad. Falsafaddu waxay tiraahdaa “wax walba waa suuragal,” laakiin noloshu waxay ina baraysaa in xorriyad la’aan xad ay tahay fawdo. Riyada iyo xisaabtu waa laba is dhameystira: mid waxay keentaa tamar, midna waxay keentaa nidaam. Mid la’aanteed, midda kale waa indho la’aan.

Xaqiiqadu waa in “everything is possible” ay tahay aragti, balse noloshu uma dhacdo aragti ahaan. Noloshu waa tijaabo, waa xisaab. Waa halka ay ku kala baxaan falsafadda iyo xaqiiqada. Falsafaddu waxay dhahdaa: wax walba waa dhici kara. Laakiin xaqiiqadu waxay tiraahdaa: wax walba lama helayo, kaliya waxa la kasbado ayaa la hela.

Eebbe wuxuu abuuray koon dhan leh malaayiin possibilities, balse wuxuu nolosha u dejiyey probabilities si ay u noqoto nidaam, ee ma ahan fawdo. Qofka fahma farqigaas, wuxuu fahmay sirta nolosha. Waxaa laga yaabaa in ay possible tahay in geed aad beertay berri miro bixiyo, balse probability-giisu waa sanado. Waxaa laga yaabaa in ay possible tahay in aad guuleysato, balse probability-daas waxaa kordhiya dadaalka, aqoonta iyo tawakalka.

Nolosha laguma dhiso “what’s possible,” ee waxaa lagu dhisaa “what’s probable.” Riyada waa albaabka, xisaabtuna waa jidka. Qofkii ku nool possibility kaliya, wuxuu ku dhintaa riyo aan xaqiiqo noqon; qofkii ku noola probability, wuxuu bartaa sida loo qorsheeyo, loo dadaalo, loona sugo go’aanka Alle.

Xaqiiqadu waa in koonku uusan ku dhisnayn “everything is possible,” ee uu ku dhisan yahay “everything has a measure.” Caddaaladda Alle ayaa ah xisaabtaas: wax walba wuxuu leeyahay miisaan, sabab iyo waqtigiisa. Inaad ku doodo waxa possible ah waa hadal; inaad fahamto waxa probable ah waa xikmad.

“Qaddarka waa xisaabta Alle, xisaabtuna waa tarjumaadda qaddarka ee bini’aadamka.”

— Sharafdin Yusuf