Masiirka Ummad Dhan Waxaa Meel Mariya Siyaasiyiin. Aaway dhalintii la lahaa "waxa ay u dhimanayaan qadiyadooda"?

Ururka PKK oo tan iyo sannadkii 1978 u dagaallamayay xuquuqda dadka Kurdida ee dalka Turkiga, ayaa maanta si rasmi ah hubka u dhigay, iyagoo ku gubay munaasabad si weyn loo agaasimay oo ka dhacday magaalada Sulaymaniyah ee gobolka Kurdistaan, dalka Ciraaq.

Arrintan ayaa gudaha Turkiga looga arkaa tallaabo taariikhi ah, waxaana meesha laga saaray halis muddo dheer Turkiga ka haysay. Waxay timid kaddib heshiis rasmi ah oo ay dowladda Erdogan la gashay PKK iyo hoggaankooda.

Waxay arrintani dib inoo xasuusineysaa in dagaal kasta – gabagabadiisa – uu yahay go'aan siyaasadeed. Laakiin dhalinyaradii dagaalka galay, kuwaas oo naf iyo nolol u huray qadiyad la moodayay mid qaranimo ah — yaa xisaabinaya khasaarahooda?

"Ciidan aan waligood is arag ayaa dagaalka ku dhimanaya iyagoon aqoon waxay ku dagaaleen iyo waxa lagu heshiiyay — halka hoggaamiyaasha (siyaasiintu) yihiin kuwo is yaqaanna waligoodna heshiis ah."

Wey is dhiibeen — qadiyad heshiis ma gasho.

— Sharafdin Yusuf