“Waan is ceebsaday markii aan garwaaqsaday in noloshu ay tahay xaflad dhar-isku-ekaysi ah (costume party), aniguna aan ku imid wajigayga dhabta ah.” – Franz Kafka.

Noloshu waa masrax weyn oo qof walba uu ku jilayo door aanu lahayn. Waxaa la xirtaa maaskarooyin lagu qariyo murugo, looga dhuunto cabsi, lagu qurxiyo guuldarro, ama lagu muujiyo guul aan jirin. Sidaas ayay farxadda isu rogtay muuqaal, guushuna xeendhaab, halka wanaag iyo xumaanna lagu cabbiro masraxyo la isku raacay.

Masraxyada nolosha ayaa dejisay dariiqyo qof walba ku khasban yahay inuu maro: iskuulka, jaamacadda, shaqada iyo PhD-du oo noqday jaranjarooyin lagu cabbiro qofka. Masraxyadaas ayaa sababay in qof jaahil ah loo aqoonsado “aqoonyahan (jaamici)”, kaliya sababtoo ah wuxuu ka gudbay masraxa jaamacadda. Waxaa intaas dheer masraxa hantida oo lagu cabbiro qiimaha qofka, iyo masraxa qoyska oo lagu qiimeeyo magaca iyo cida uu ka dhashay, ee aan lagu qiimeyn qofka uu yahay.

Ugu dambayntiina, masraxa tartanka iyo abaalmarinta ayaa noqday halbeeg kale: ciyaaraha waa tusaale cad—ninka galay kaalinta koowaad waxaa lagu ammaanaa darajada “kan ugu fiican”, balse kan labaad cidna ma xusuusato, xitaa haddii ay saddex ilbiriqsi kala dambeeyeen. Sidoo kale imtixaannada dugsiyada iyo jaamacadaha, qofka darajada ugu sarreysa keena ayaa loo arkaa guuleyste, halka kuwa kale lagu tilmaamo dad caadi ah.

Markaad si dhab ah u eegto, dunida dhan waa masraxyo is daba socda—mid kasta oo lagu cabbiro wanaag iyo sharaf, halka qof walba uu noqday jilaa ku qasban inuu ciyaaro door aanu rabin.

Qofka masraxyadaas diida, jilaa noqonse, oo wejigiisa dhabta ah wata—dadka inteeda kale waxay u arkaan fashil. Waayo wuxuu jebiyay heshiisyadii qarsoonaa ee masraxyadu dhiseen. Inkasta oo dadka kale ku farxaan ciyaarta, xorriyadda runta ah ee qofka ka dhalata waa ay ka weyn tahay farxad kasta oo been ah.

وَلَا تَلْبِسُوا الْحَقَّ بِالْبَاطِلِ وَتَكْتُمُوا الْحَقَّ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ “Ha isku qasina xaqa iyo baadilka, hana qarinina xaqa idinkoo og.” (Al-Baqara 2:42)

Murugo run ah ayaa ka qiimo badan farxad been ah. Murugadaasi waa caddayn nololeed, halka farxadda beenta ahi ay tahay ciyaar aan dhammaad lahayn. Nietzsche wuxuu yiri: “Qofkii leh sabab uu u noolaado, wuxuu u dulqaadan karaa hab kasta oo nololeed.” Waxaan ogaaday in sababta keliya ee aan ugu adkaysto murugada iyo cidlonimada ay tahay inaan run ahaan u noolaado, halkii aan ku guuleysan lahaa masraxyada nolosha.

Xorriyadda runta ahi waa mas’uuliyad culus. Qofka aan maskaro wadan waa inuu diyaar u noqdaa inuu wajaho diidmada dadka. Xorriyad aan mas’uuliyad lahayn (jilaayada) waa khiyaano, balse xorriyad la socda mas’uuliyadda nafta waa run, xitaa haddii qiimo culus ay ku timaaddo. Camus wuxuu yiri: “Dunida aan macne lahayn, qofka keliya ee xor ah waa kan ogaanaya inuu naftiisa u abuurayo macnaha.” Sidaas ayaan ku garwaaqsaday in macnaha noloshu aanu ka iman doonin masraxyada nolosha, balse uu ka iman doono wejiga dhabta ah ee aan wato. Nebigu ﷺ wuxuu yidhi:

عَلَيْكُمْ بِالصِّدْقِ فَإِنَّ الصِّدْقَ يَهْدِي إِلَى الْبِرِّ، وَإِنَّ الْبِرَّ يَهْدِي إِلَى الْجَنَّةِ… “Qabsada runta, maxaa yeelay runta waxay keentaa wanaag, wanaagguna wuxuu keenaa janno…” (al-Bukhari 6094, Muslim 2607)

Geeridu waa meesha ugu dambeysa ee wejiga dhabta ah lagu arko. Halkaas ma jiro dhar, maaskaro, ama masrax lagu ciyaaro. Waa goobta lagu kala baxo, qof walbana uu wajigiisa dhabta ah la yimaado. Geeridu waxay noqotaa caddaynta ugu dambeysa in nolosha oo dhan ay ahayd xaflad wejiyo la qariyay, halka runta ugu dambeysana ay tahay wajiga aan marna la qarin karin.

Markaas ayaan go’aansaday inaan ka gudbo xeendhaab kasta oo nolol been ah. Waxaan diiday in qiimeynta dadka ay noqoto cabbirka wanaag iyo xumaan. Waxaan ogaaday in guusha ugu weyn aysan ahayn magaca masraxyada nolosha, balse ay tahay inaan wejigayga dhabta ah ku dhex noolaado dunida xafladaha beenta ah. Taasi waa ceeb, waa murugo, waa waali—laakiin waa xorriyadda kaliya ee runta ah.

— Sharafdin Yusuf