Ma jiraa qof u mahadnaqay Ilaaha Qaadirka ah nimcooyinka aan la tirin karin ee uu ku siiyay?!

Kaadi-haysta!

Kelyuhu 20-kii ilbidhiqsi kasta waxay soo tifqaan dhibic kaadi ah, dhibcahaasina waxay ku ururaan kaadi-haysta, xitaa haddii ay buuxsantay. Qofku wuu kici karaa si uu naftiisa u nafiso (soo kaadiyo).

Mid ka mid ah bukaanada ayaa qabay kansarka kaadi-haysta, waxaana laga saaray kaadi-haystii dabiiciga ahayd, kadibna waxaa loogu beddelay boorso mindhicir ah. Dhakhtarkii ayaa ku yiri:

> "Maadaama aad lahayd kaadi-haysta dabiici ah oo ka timid abuurka Eebbe, waxaad dareemi jirtay marka ay buuxsanto oo waad kici jirtay si aad u soo kaadiso. Laakiin hadda, kaadi-haystadaada macmalka ah, ma dareemi doontid marka ay buuxsanto. Sidaas darteed, waa inaad saacad kasta kaadisaa, maalintii iyo habeenkiiba, haddii kale way kugu qarxi doontaa, geerina way sababi kartaa!"

Haddaba, ma dareentay nimcada Eebbe?!

Miyaadan arag in Eebbe ka dhigay muruqyada kaadi-haystaada kuwo is uruursan kara? Sidaas darteed, ayya kuugu fududahay in aad hal ilbiriqsi gudihiis kaadi iska faaruqiso (kaadiso). Haddii muruqyadaasi aysan jiri lahayn, waxaad u baahan lahayd rubuc saac inaad kaadiso mar kasta!

فالحمد لله على نعمه التي لا تحصى! ❤

— Sharafdin Yusuf