In badan waxaan maqlaa in diinta Islaamka tahay mid dil, dhibaato iyo argagaxin. Kooxo badan sida feminism, mulxidiin, calmaaniyiin iyo waxmagaratada kale waxay diinta Islaamka ku eedeeyaan in ay tahay diin qasab iyo dhibaateyn ah, iyagoo iska indho tiraya waxa ay diintu qabto – sida aayadaha Qur’aanka iyo xadiisyada Nabiga ﷺ oo muujinaya naxariista diinta iyo mida Eebbe.
Haddii si cilmiyeysan loo eego Qur’aanka iyo sunnada, waxaa si aan mugdi ku jirin u caddaanaysa in Islaamku yahay diin naxariis, nabad iyo cadaalad u taagan.
"وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ"
“Kumaanaan soo dirin adiga naxariis u ah caalamka mooyee.”
(Surat Al-Anbiyaa: 107)
Ilaahay wuxuu sheegay in Nabi Muxammad ﷺ uusan u imaanin inuu dadka ciqaabo ama dhibaateeyo, balse uu yahay naxariis loo soo diray dhammaan bini’aadamka, jinni iyo makhluuqaadka kale. Naxariistiisu waxay ka muuqataa diinta uu wato, dabcigiisa iyo nidaamka Islaamka ee nabadda ku dhisan.
"إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسَانِ وَإِيتَاءِ ذِي الْقُرْبَىٰ وَيَنْهَىٰ عَنِ الْفَحْشَاءِ وَالْمُنكَرِ وَالْبَغْيِ"
“Ilaahay wuxuu farayaa caddaaladda, samafalka iyo bixinta xuquuqda qaraabada. Wuxuuna ka reebayaa xumaanta, fadeexadda iyo gardarrada…”
(Surat An-Nahl: 90)
Aayaddani waa mid ka mid ah kuwa ugu dhameystiran ee tilmaamaya mabaadi’da Islaamka:
Caddaalad: In qof walba xaqiisa la siiyo.
Ihsaan: In wanaagga laga badiyo, xitaa kuwa ku xun.
Bixinta xuquuqda qaraabada: Islaamku wuxuu kor u qaaday xiriirka qoyska iyo bulshada.
Waxaana si cad loo mamnuucay xumaan, akhlaaq-xumo iyo gardarro.
"لَا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ ۖ قَد تَّبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ"
“Lagu khasbi maayo diinta. Waddada toosan iyo tan qaldan waa kala caddaadeen.”
(Surat Al-Baqarah: 256)
Islaamka si cad ayuu u mamnuucay qasab diimeed. Qof looma qasbi karo inuu Islaamka qaato. Diintu waa in laga galo ikhtiyaar iyo faham. Qofka diinta qaata si qasab ah ma noqon karo mu’min run ah. Islaamku wuxuu jideeyay xorriyad diimeed.
"مَن قَتَلَ نَفْسًاۢ بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍۢ فِى ٱلْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ ٱلنَّاسَ جَمِيعًا ۖ"
“Qofkii si aan xaq ahayn u dilo nafeed, waxay la mid tahay inuu dilay dhammaan dadka oo dhan.”
(Surat Al-Maa’idah: 32)
Islaamku wuxuu qiime weyn siiyay nolosha bini’aadamka. Aayaddani waxay tilmaamaysaa in naf kasta oo la dilo si gardarro ah uu dembigiisu lamid yahay mid laga galay aadanaha oo dhan. Islaamku wuxuu oggol yahay dil kaliya marka uu jiro xukun cad, qisaas ama khayaano la hubo, mana oggola dil suuq ah ama argagixiso.
"المسلم من سلم المسلمون من لسانه ويده"
“Muslimka dhabta ah waa kan Muslimiinta kale ka nabad gala afkiisa iyo gacantiisa.”
(Sahih al-Bukhari, Xadiith No. 10)
Qofka Muslimka ah ma aha mid kaliya magaca sheegta, ee waa mid dadka kale ka nabad galaa. Ma xamanayo, ma aflagaadeeyo, mana dhaawacayo. Islaamku wuxuu xoojinayaa in qofku noqdo nabaddoon iyo naxariista dadka kale leh.
Ilaahay wuu jecel yahay naxariista:
"إِنَّ اللهَ رَفِيقٌ يُحِبُّ الرِّفْقَ فِي الْأَمْرِ كُلِّهِ"
“Ilaahay waa mid dabacsan, wuxuuna jecel yahay dabacsanaanta arrin kasta.”
(Sahih al-Bukhari, Xadiith No. 6927)
Nabiga ﷺ wuxuu inoo sheegay in dabciga wanaagsan iyo dabacsanaanta ay tahay mid Ilaahay jecel yahay. Islaamku wuxuu dadka farayaa xushmad, niyad wanaagsan iyo in aan la cabburin dadka. Xataa marka la qabsanayo amar Eebbe, waa in loo maraa si xikmad leh iyo dabacsanaan.
Diinta Islaamka ka diin ahaan waa sidaad naxariis badan, weyna iska indho tiraan iyagoo diinta ku eedeenaya in magaca diinta dadka lagu dilo ama dhibaateeyo.
Waxaa igu dhalatay inaan baaritaan dhab ah sameeyo si aan u ogaado diinta dad badan lagu dilay magaca Ilaahay. Kadib markii aan si qoto dheer u baadhay dhacdooyinka waaweyn ee taariikhda, waxa ii cadaatay in diinta Masiixiyadda (Christianity) ay tahay mid ka dil badan waliba boqolaal jeer ka halis badan marka loo eego diinta Islaamka.
Walow tirada saxda ah ay noqon karto doodo taariikhi ah, haddana haddii aan soo qaato dhacdooyinka ugu waaweyn ee lagu hoobtay:
Dhacdooyinka waaweyn ee dilka lagu geystay magaca Christianity
1. Dagaalladii Salibiyiinta (The Crusades) – 1095 ilaa 1291
Waxaa loogu magac daray “Dagaalka Barakaysan” oo Kaniisaddu ku dhawaaqday si dhulkii barakaysnaa ee Falastiin looga saaro Muslimiinta.
Tobanaan kun oo Muslimiin, Yuhuud iyo Masiixiyiin aan dagaal galin ayaa lagu laayay.
Sanadkii 1099, markay qabsadeen Baytul Maqdis, Salibiyiintu waxay dileen ku dhowaad 70,000 oo Muslimiin ah – arrin la mid ah genocide. Waxaa lagu andacooday in “Ilaah” uu rabo in dadkaas la tirtiro.
2. Gumaysigii Yurub (Colonialism) – 1500s ilaa 1900s
Wadamada Masiixiyiinta ahaa sida Spain, Britain, Portugal, iyo France waxay gumaysteen Afrika, Ameerika, iyo Aasiya.
Waxaa lagu dilay tobanaan milyan oo qof — qiyaasaha qaar waxay sheegayaan in ay ka badan yihiin 50 milyan.
Waxaa la watay “Kaniisad iyo Calan” – diinta iyo dagaalka ayaa la isku daray.
Dadka diinta Masiixiyadda qaadan waaya ayaa lagu gubay, lagu addoonsaday ama lagu gowracay.
3. Inquisition-kii Spain & Talyaaniga (Maxkamadaha dambiyada diinta) – Qarniyadii 12aad ilaa 19aad
Kaniisaddu waxay dejisay maxkamado gaar ah oo lagu qabto dadka loo malaynayo in aysan si buuxda u rumaysnayn diinta Katooligga.
Dadkaas waxaa lagu gubay dab furan, lagu jidhdilay si arxan darro ah.
Kumanaan qof ayaa la dilay iyadoo lagu eedeeyay "murtadnimo" ama "sixir".
4. Dagaalkii 30-ka Sano (Thirty Years’ War) – 1618–1648
Dagaal u dhaxeeyay Katooligga iyo Protestants ee Yurub, gaar ahaan Jarmalka.
Ku dhowaad 8 milyan oo qof ayaa ku dhintay dagaal, gaajo, iyo cudur.
Waxaa loo adeegsaday magaca “badbaadinta diinta saxda ah.”
5. Dilka dadka asaliga ah ee Ameerika (Native Americans genocide)
Gumaystayaashii Masiixiyiinta ahaa ee u yimid Ameerika waxay laayeen dadkii deegaanka – iyagoo ku andacoonaya “Injil u faafin.”
Qiyaastii 90% dadkii asaliga ahaa ee Ameerika (ku dhawaad 50 ilaa 100 milyan) waa la dilay ama cudur lagu faafiyay.
6. Rwanda 1994 – Dilwadeer la xiriira diinta
Kaniisado ayaa ka qeyb qaatay dilka Tutsiga – kumanaan ayaa lagu gubay kaniisado ay galeen si ay naftooda u badbaadiyaan.
Kaniisado Katoolig iyo Protestant ah labadaba ayaa lagu eedeeyay inay la safteen dilayaal.
Kuwani waa dhacdooyinka waaweyn ee taariikhda lagu geystay magaca diinta Christianity. Kuma aanan darin dhibaatooyinka ay geysteen dowladihii iyo quwadihii Masiixiyiinta ahaa ee gumeysiga iyo xoogga ku hayay dalal badan oo Afrika, Aasiya ilaa Ameerika ah. Wadamada Masiixiyiinta ee labada qaaradood ee Ameerika sidee ku noqdeen Masiixi? Jawaabta waa la fahmi karaa.
Dhacdooyinka si khaldan loogu eedeeyay Islaamka
Inkastoo diinta Islaamka la eedeeyo, haddana dhacdooyinka la soo xiganayo badankood:
Ma ahayn amaro diin ah, ee waxay ahaayeen ficillo siyaasadeed ama xagjirnimo ay diintu si cad u mamnuucday.
1. Islamic Conquests (7aad–8aad)
Ballaarintii khilaafada Islaamka kadib wafaatkii Nabi Muxammad ﷺ.
Dagaallo ayaa dhacay, laakiin dadka badankood lama qasbin inay qaataan diinta Islaamka.
Diintu si cad ayey u dejisay xeerar dagaal: rayidka lama taaban karo, dadka aan dagaal galin waa la dhaafayaa.
Dadka diinta kale haysta waxaa laga qaaday jizya (canshuur), waxaana loo ogolaa xorriyad diimeed.
2. Fitnah-yada Khulafada – Dagaalladii dhexmaray Muslimiinta
Waxaa dhashay kala qaybsanaan siyaasadeed, sida dagaallada Siffiin iyo Jamal.
Ma ahayn dagaallo diin ah, balse waxay ahaayeen isu dhacyo siyaasadeed iyo khilaafaad hoggaamineed.
3. Xagjirnimada casriga ah – Al-Qaeda, ISIS, Boko Haram
Kooxo sheegta inay u dagaallamayaan magaca Islaamka.
Waxaa lagu dilay kumanaan Muslimiin iyo dad kale.
Kooxahan waxaa culimada Islaamka ku tilmaameen:
- Khawaarij
- Murtad
- Kuwii qaribay diinta Islaamka
Diinta Islaamku si cad ayey u mamnuucday dilka aan sharciyeysneyn:
"مَنْ قَتَلَ نَفْسًاۢ بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍۢ فِى ٱلْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ ٱلنَّاسَ جَمِيعًا ۖ"
“Qofkii si aan naf (qisaas) ahayn ama fasahaad dhulka ka jirta u dilo naf, wuxuu la mid yahay inuu dilay dadka oo dhan.”
(Surat Al-Mā'idah: 32)
Aayaddan waxay ka mid tahay kuwa ugu adag ee Islaamka ka dhigaya diin ilaalisa nafta aadanaha. Ilaahay wuxuu siinayaa naf kasta qiime aad u weyn — haddii la dilo naftaasi iyadoo aysan jirin sabab sharciga diinta waafaqsan (sida qisaas ama fasaad cad oo dhulka laga wado), waxay lamid tahay in la diley bini’aadamka oo dhan.
Diinta Islaamku waa mid ku dhisan naxariis, caddaalad iyo qiime bini’aadanimo. Waxaa khaldan in kooxo gaar ah, siyaasiyiin ama xagjiriin aan diinta si sax ah u fahmin lagu xukumo diinta oo dhan.
Dhanka kale, waxaa muhiim ah in taariikhda Masiixiyadda la xuso si loo muujiyo in dilalka ugu ba’an ee magaca Ilaahay lagu fuliyay aysan ka imaan diinta Islaamka – ee ay ka yimaadeen quwadihii sheegan jiray Christian-ka.
“Diimaha Ilaahay looma soo dajin in dad lagu laayo, ee waxaa loo soo dajiyay in dad lagu badbaadiyo.”
— Sharafdin Yusuf