Modernism wuxuu soo galay dunida Islaamka xilli adag, xilli ay Muslimiintu ku jireen burbur siyaasadeed, dhaqaale iyo gumeysi. Waxa uu ka yimid Yurub isagoo wata maskaxda gumeystaha, wuxuuna ku dhisnaa in caqliga iyo saynisku ka sarreeyaan diimaha. Laakiin xaqiiqdiisu waxay noqotay diin cusub oo loogu talagalay in lagu jebiyo Islaamka, loogana dhigo Muslimiinta kuwo ka tanaasula shareecada iyo qiyamka Alle. Waa diin lagu magacaabo horumar, balse dhab ahaantii u adeegta gumeysiga, lafdhabarna u ah siyaasadaha reer Galbeedka ee ku wajahan burburinta bulshada Muslimka ah. Waa diin lagu sharciyeeyo weerarrada, mamnuucista hijabka, xayiraadda hilibka xalaasha ah, aflagaadeynta Nebi Muxammad ﷺ, iyo taageerida nacaybka lagu hayo Muslimiinta. Waa diin lagu qasbo dunida Islaamka, lagu caburiyo culimada, laguna abuurayo jiil ka go’doona aqoonsigoodii Islaamiga ahaa.

Masar waxaa hormuud ka ahaa rag sida Jamal al-Din al-Afghani iyo Maxamed Cabduh oo isku dayay inay isu keenaan diin iyo modernism. Waxay ku doodayeen in bulshada Muslimka ahi u baahan tahay inay la qabsato sayniska iyo tiknoolojiyadda, laakiin fikirkaasi wuxuu sababay in Qur’aanka iyo Sunada loo fasiray si khatar ah, oo mararka qaar loogu gogol xaadhay secularism iyo siyaasado diinta ka fog. Jiilal dambe waxay dhaxleen aragtiyo uu saldhig u noqday Modernism, waxaana fududaaday in bulshada loo diyaariyo waddo uu dalka ugu dhacayo gacanta fikirka Galbeedka. Turkiga Mustafa Kemal Atatürk wuxuu qaaday tallaabo ka sii fog: wuxuu meesha ka saaray khilaafadii Islaamka, wuxuu xannibay astaamihii diinta, wuxuuna ku beddelay xarfihii Carabiga Laatiin. Turkiga muuqaal ahaan wuxuu noqday casri (diin ka fog), laakiin wuxuu lumiyay aqoonsigii Islaamka, wuxuuna noqday tijaabo cad oo muujisay sida Modernism uu u yahay diin ka dhanka ah Islaamka. Iran waxay martay tijaabo la mid ah intii boqortooyada Pahlavi joogtay. Casriyeynta xoogga lagu qasbay waxay dhalisay caro iyo kacdoon, taas oo ugu dambeyntii keentay kacaankii 1979 oo shacabka Muslimka ahi ku muujiyey in horumar ay rabaan, laakiin aysan aqbalayn diin cusub ooga imanaysa Galbeedka.

Culimada Islaamka waxay si xoog leh uga jawaabeen halista Modernism-ka. Sheekh Albaani wuxuu ku adkaystay in Islaamka uusan u baahnayn wax “cusbooneysiin” ah oo laga keeno Galbeedka, maadaama uu yahay diin dhammaystiran oo marwalba ku habboon xilliyo kasta. Qaradawi wuxuu sheegay in Islaamku yahay diin dabacsan oo la jaanqaadi karta casriga, laakiin dabacsanaantaasi marnaba ma taaban karto qawaaniinta aasaasiga ah ee shareecada. Sayyid Qutb wuxuu casriyadda Galbeedka ku tilmaamay jaahiliyah cusub oo burburisa akhlaaqda iyo iimaanka, halka Abul A’la Maududi uu ku adkeystay in horumarka dhabta ahi yahay mid lagu dhisayo aqoonta casriga ah iyadoo saldhig looga dhiganayo qiyamka Islaamka. Dhamaantood waxay isku raaceen in Modernism uusan ahayn oo keliya dhaqan cusub, balse uu yahay diin lagu magacaabo casri, laakiin dhab ahaantii ka dhigan mid lid ku ah Islaamka.

Saameyntiisa maanta waa mid aan la dafiri karin. Dalal Muslimiin ah ayaa qaatey nidaamyo siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale laga keenay Galbeedka, iyagoo u arkay waddada keliya ee horumarka. Laakiin natiijadu waxay noqotay jahawareer, kala qaybsanaan bulsho, iyo dhalinyaro lumisay qiyamkii Islaamka. Dhaqamo qariban ayaa si xoog leh loo dhex geliyey: sinada, qoys burburka, iyo xorriyad xag-jir ah, halka shareecada Alle loo arkay wax lagu talo galay oo keliya meelaha gaarka ah. Dalal qaar waxay isku dayeen inay ku daydaan Turkiga Atatürk, balse jiilal badan ayay ka fogeeyeen salaadda iyo akhlaaqda, iyaga oo aan weligood gaadhin horumarkii ay ku riyoonayeen. Masar waxay noqotay meel u dhexaysa diin iyo modernism, balse inta badan waxaa ka dhashay dowlado cadaadis ah oo ku ciyaara magaca diinta iyo magaca casriyadda labadaba. Iran waxay tusaale u noqotay in casriyad xoog laysku qasbo ay dhalin karto kacdoon diimeed oo ka dhan ah Modernism.

Doodaha wali way socdaan. Qaar ka mid ah Muslimiinta ayaa ku dooda in Islaamka la cusbooneysiiyo si uu ula jaanqaado casriga, laakiin cusboonaysiintaas ay sheegayaan waxay dhab ahaantii la macno tahay in shareecada Alle la qariyo ama la beddelo. Qaar kale waxay ku adkaystaan in horumarka dhabta ahi yahay mid aan ka hor imaanin diinta, balse ku dhisan ilaalinta qiyamka Qur’aanka iyo Sunada. Sida culimada waaweyn ay sheegeen, waxa ay Muslimiintu u baahan yihiin waa aqoon iyo tiknoolojiyad ay ku difaacaan diintooda, balse ma aha diin cusub oo lagu magacaabo Modernism.

Modernism waa diin la soo hal abuuray si looga takhaluso Islaamka, waa diin lagu magacaabo casri, balse dhab ahaantii u adeegta gumeysiga iyo nacabka Muslimiinta. Waa cudur maskaxeed lagu qariyo magaca horumar, balse loo adeegsado in lagu burburiyo shareecada, lagu wiiqo qiyamka, laguna abuuro bulshada Muslimka ah inay ka fogaadaan Islaamka. Sidaas darteed jidka keliya ee badbaadada Muslimiintu waa inay si cad u diidaan Modernism-ka, kuna adkaystaan in ay qaataan aqoon casri ah iyo tiknoolojiyad, laakiin ku dhisaan Qur’aanka iyo Sunada. Islaamku hore ayuu u ahaa ilbaxnimo weyn oo qarniyo badan hoggaamisay dunida, wuxuuna mar kale noqon karaa haddii Muslimiintu ka fogaadaan diinta cusub oo lagu magacaabo Modernism, kuna adkaystaan Islaamka oo kaliya.

Modernism maahan horumar ee waa lidka islamka.

— Sharafdin Yusuf