Sannad kasta, qiyaastii 650,000 ilaa 700,000 oo qof ayaa ku soo biira liiska milyaneerrada, taas oo ka dhigan in maalin kasta inta u dhaxaysa 1,700 ilaa 1,900 oo qof ay milyaneer noqdaan. Inta badan waxay ka soo jeedaan dalalka Maraykanka, Shiinaha, iyo Yurub.

Tirada dadka adduunka waxaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 8 bilyan, halka tirada milyaneerrada caalamku ay u dhexeyso 58 ilaa 60 milyan oo qof. Marka boqolley ahaan loo eego, qiyaastii 0.7% oo keliya ayaa ah milyaneer; taas oo la micno ah in 140-kii qofba, hal qof oo keliya uu milyaneer yahay.

Milyaneerrada ugu badan waxaa lagu qiyaasaa inay ku nool yihiin Maraykanka (~40%), Yurub (~25%), iyo Shiinaha (~10%), halka gobollada kale ee dunida sida Afrika, Bariga Dhexe, iyo Laatiin Ameerika ay qaybsadaan boqolleyda soo hartay.

In kasta oo ay tiradani tahay mid yar (0.7%), haddana waa koror weyn oo caddaynaya in jiilashan dambe ay u fududaatay abuurista hanti. Waxaa arrintaas suurtagaliyay casrigan ay hormuudka ka yihiin teknoolojiyadda, internet-ka, iyo garaadka macmalka ah (AI), kuwaas oo furay fursado cusub oo aan horay loo arag.

— Sharafdin Yusuf