Cidlada markaad fadhiisato ee aad cirka eegto, waxaad la fajaceysaa awoodda Eebe.

Xilliyada dhammaadka dunida waxaa imaan doona Masiixul Dajjaal, oo dunida joogi doona 40 maalmood, waxaana la sheegay in maalinta 1aad uu la egyahay sanad dhan. Waxaa laga yaabaa inaad isweydiiso: Sidee taasi macquul ku tahay?

Qiyaamuhu waa maalin dheer, Eebe wuxuu Qur’aanka ku yiri:
تَعْرُجُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍۢ كَانَ مِقْدَارُهُۥ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍۢ
Surah Al-Ma'aarij – Ayah 4 (70:4).
Eebe halkaan waxa uu ku cadeeyay in halkii maalin ee qiyaamaha u dhigmi doonto 50kun oo sano.

Haddaba sidee bay hal maalin ugu dhigmi doontaa 50,000 sano?
Awoodda Eebe ayaa sidaas ka dhigeysa.

Markaad si dhab ah u fiiriso waqtiga hadda jira, xawaaraha noloshu si weyn ayuu u kordhay.
Sanadkan markuu bilaabanayey wuxuu u muuqdaa sidii daraad dhoweyd, haddana waxaa laga joogaa 7 bilood.

Waqtiga hadda socda wuxuu umuuqdaa mid ka degdeg badan waqtigii hore.
Ma laga yaabaa in halkii maalin ee 2025 ay noqotay badhkii ay ahaan jirtay qarniyo hore?

Sida aan u aqbalnay in 24-ka saac ay yihiin maalinta buuxda, waxaa dhici karta in mustaqbalka 24 saac ay u dhiganto 18 saac oo hadeer ah.
Marka uu yimaado Masiixul Dajjaal, waxay noqon kartaa middaas oo kale:
“24 saac oo keliya balse u dhiganta sanad buuxa.”

Tani waxay ina tusaysaa in waqtigu uu yahay ayaad ka mid ah aayaadka Eebe, oo uu sida uu doono ka yeeli karo.

Waxaa laga yaabaa in 24 saac ee 2025 ay ka yaryihiin 10-kii saac ee 1523.

Awoodda Eebe waa cajiib.

— Sharafdin Yusuf