Leverage waa awoodda aad wax ku gaari karto adigoo adeegsanaya fursado ama Awood ka baxsan awooddaada tooska ah. Waa sida in aad haysato cudud dheer oo wax ku riixi karto, adigoon isticmaalin xoogaaga oo keliya. Waxaa la isticmaalaa siyaabo kala duwan oo qofka ka caawiya inuu helo natiijo ka weyn intii uu kaligiis gaari lahaa.

Tusaale ahaan marka la joogo ganacsi, shirkad ayaa leverage u isticmaali karta si ay maalgelin uga hesho bangiga. Hantideeda ama sumcaddeeda ayay soo bandhigtaa, taasoo ka dhigaysa inay helaan lacag cusub ama fursad ay mashruuc ku dhisaan. Nolosha maalinlaha ah, qofka aqoon fiican u leh luuqadda Ingiriiska wuxuu taas u isticmaali karaa leverage-kaas si uu shaqo fiican u helo. Waa xirfad ka dhigtay inuu fursad weyn yeesho marka loo eego qofka aan aqoon. Dhinaca xisaabta iyo maaliyadda, leverage waxaa lagu tilmaamaa marka deyn la isticmaalo si maalgelin weyn loo sameeyo oo ka badan hantida qofka ama shirkadda. Qofka $10,000 haysta haddii uu $90,000 amaahdo, wuxuu mashruuc u heli karaa $100,000—taasna waa leverage maaliyadeed.

Marka la eego taariikhda dunida, leverage-yo badan ayaa jiray oo marba sida loo adeegsado dunida u qaabeeyay, laakiin afarta ugu waaweyn ee hagay qarniyo kala duwan waa: Bilowgii dunida wuxuu ahaa Labor, taasoo ah awoodda dadka. Boqorradii hore ama odeyaashii dhaqanka waxay awooddooda ku dhiseen inta qof ee u shaqeyn karta, ciidan ku biiri kara, ama meel ula qabsan kara. Inta qof ee aad abaabuli karto waxay ka dhigan tahay inta awood ee aad leedahay. Markii dhaqaalaha iyo ganacsigu horumaray, waxaa soo baxay capital, taasoo qofka lacagta haysta ka caawisay inuu sameeyo waxa uusan kaligiis qaban karin—ciidan kireysto, dhul iibsado, ama ganacsi dhiso.

Markii dunida casriga la galay, waxaa soo kordhay media oo ah awoodda baahinta. Qofka sumcad iyo magac leh, sida fanaaniinta, ciyaartoyda ama siyaasiinta, waxaa u fududaanaysa inuu dhaqdhaqaaq cusub bilaabo ama ganacsi abuuro. Dadka badan ee ku xiran ayaa siinaya kalsooni iyo taageero, taasoo ka dhigaysa awood gaar ah.

Ugu dambeyntiina waxaa soo baxay coding, oo noqday mid kamid ah awoodaha casriga ah ee ugu weyn. Shirkadaha ugu taajirsan dunida maanta iyo shaqsiyaadka ugu hantida badan waxay hantidooda ku dhiseen iyagoo adeegsaday awoodda leverage ee coding. Waxaa adkaanaysa in aad maanta aragto shirkad aan adeegsan leverage-kan, sababtoo ah ku dhawaad company walba website ama app ayuu leeyahay, adeegiisana wuxuu ku xiranyahay software. Mustaqbalka dhow iyo kan fogba, leverage-ka coding ayaa sii xoogeysan doona, isagoo sii galaya casriga cusub ee AI iyo blockchain.

Marka la soo koobo, leverage waa fikrad ballaaran oo lagu tilmaami karo awood kasta oo qofka ka caawisa inuu gaaro wax ka weyn inta uu kaligiis ku gaari karo. Laakiin afarta leverage ee ugu waaweyn ee dunida hoggaamiyay waa Labor oo ah awoodda dadka, capital oo ah awoodda dhaqaalaha, media oo ah awoodda baahinta, iyo coding oo ah awoodda tignoolajiyada casriga ah. Qofka maanta haysta media iyo coding wuxuu leeyahay fursad ka fog midka kaliya ku tiirsan lacag ama dad.

— Sharafdin Yusuf