Ibliis ku afmatihid mooyee dhaqan ahaan waad ku dhaqantahy haddii aad kibirto.

Waxa ugu xun ee qof samayn karo waa kibir, waana sababtii ugu weynayd ee Ibliis uu ugu dhacay gaalnimo. Kibriga iyo isla-weynidu waxay Ibliis ka dhigeen kan uu maanta yahay. Ibliis wuxuu markii hore ahaa jinn keliya oo ku dhex jiray malaa’igta, magaciisuna wuxuu ahaa Casaasiil, wuxuuna ahaa noole aad u cibaado badan xitaa malaa’igta ayaa ka codsan jirtay inuu u duceeyo. Markii Eebbe dhammeeyay abuurkii Nabi Aadam (CS) ayuu Ibliis dareemay in arrin weyn soo socoto, wuxuuna yiri: haddii talada lagu siiyo Aadam waan ku hoojin, haddii aniga la ii dhiibana waan kugu caasiyi. Malaa’igta markii ay arkeen abuurkii Aadam waxay dareemeen in arrin cusub soo socoto, waxayna u yimaadeen Ibliis iyagoo leh: “Casaasiilow noo ducee.” Wuu u duceeyay isagoo leh: “Ilaahay ha idinka badbaadiyo sharkiisa,” balse ma oran hanaga badbaadiyo, waayo qalbigiisa waxaa ku jiray kibir iyo ujeeddo xun. Ilaahay ducada wuu u aqbalay malaa’igta, waxayna ka badbaadeen sharka, balse Ibliis qudhiisa ayaa ku dhacay. Markii Eebbe amray in Aadam loo sujuudo, malaa’igtii way sujuudeen marka laga reebo Ibliis, sababta uu u diidayna waxay ahayd keliya kibir.

Waxaa jirta qiso kale oo inoo muujinaysa sida kibriga looga digay, taasoo dhex martay Nabi Muuse (CS) iyo Khadhr (CS), waxaana lagu sheegay Qur’aanka Kariimka ah, suuradda Al-Kahf (aayadaha 60–82). Mar ayuu Nabi Muuse dadka khudbeeyay, mid ka mid ah ayaa weydiiyay: “Ya Muuse, yaa ugu cilmi badan dadka?” Wuxuu ku jawaabay: “Aniga.” Eebbe wuxuu u sheegay in uu jiro addoon ka cilmi badan arrimaha qaar, kaas oo uu siiyay cilmi gaar ah oo aan Muuse la hayn. Waxaa lagu yiri: “Waxaad ka heli doontaa meel ay kulmaan labada biyo.” Astaanta lagu sheegay waxay ahayd in uu qaato kalluun qalalan, marka uu baxsado, meeshaas ayuu joogi doonaa Khadhr. Muuse iyo Yuusha bin Nuun waxay safreen ilaa ay gaareen meesha astaanta lagu sheegay, halkaasna waxay kula kulmeen Khadhr. Waxaa bilaabatay safar uu Muuse ka bartay casharro badan oo uu markii hore uusan ogeyn, waxaana uu fahmay inuusan isaga ugu cilmi badnayn dadka. Qisadani waxay tusinaysaa in qofku uusan is-ila weynayn, xitaa haddii uu leeyahay aqoon badan.

Kibriga iyo isla-weyniyadu waxay halaageen dad kale oo Qur’aanka lagu sheegay. Fircoon isla-weyni darteed ayuu yiri: “Anigu waxaan ahay rabbigiinna ugu sarreeya,” Ilaahayna wuxuu ku halligay badda dhexdeeda. Qaaruun hanti badan ayuu ku faanay isagoo aan ka mahadcelin Eebbe, Ilaahayna wuxuu ku sheegay Qur’aanka in guryihiisii iyo hantidiisii dhulka lagu liqsiiyay. Namruud wuxuu ku faanay awooddiisa iyo boqornimadiisa, wuxuuna la murmay Nabi Ibraahim (CS) isagoo ku andacoonaya inuu nool iyo dhintaba uu soo saaro, laakiin Eebbe wuxuu ku dulmiyay kaneeco yar oo afka ugu gashay taasoo dishay. Abu Jahl, odayga Quraysh, wuxuu diiday runta keliya sabab uu u arki waayay Nabi Muxammad (SCW) inuu ka sarreeyo, kibrigaasna wuxuu u horseeday in uu noqdo cadowga ugu weyn ee diinta.

"إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍۢ فَخُورٍۢ"
“Dhab ahaantii, Ilaahay ma jecla mid kasta oo isla-weyn, faan badan.”
(Luqmaan: 18)

"وَلَا تَمْشِ فِى ٱلۡأَرۡضِ مَرَحًاۖ إِنَّكَ لَن تَخۡرِقَ ٱلۡأَرۡضَ وَلَن تَبۡلُغَ ٱلۡجِبَالَ طُولًۭا"
“Ha socon dhulka adigoo isla weyn, maxaa yeelay weligaa ma gaadhi kartid buuraha, oo ma foorarin kartid dhulka.”
(Al-Israa: 37)

"وَلَا تُصَعِّرۡ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلَا تَمۡشِ فِى ٱلۡأَرۡضِ مَرَحًا"
“Hana u jeedin wejigaaga dadka adigoo isla weyn, hana ku socon dhulka adigoo faan badan.”
(Luqmaan: 18)

"لَا يَدۡخُلُ ٱلۡجَنَّةَ مَن كَانَ فِى قَلۡبِهِۦ مِثۡقَالُ ذَرَّةٍۢ مِّن كِبۡرٍۢ"
“Qof qalbigiisa ku jira kibir sida xabbad yar oo cadceed ah ma geli doono jannada.”
(Saxiix Muslim)

"ٱلۡكِبۡرُ بَطَرُ ٱلۡحَقِّ وَغَمۡطُ ٱلنَّاسِ"
“Kibirku waa in la diido runta, oo la xaqiro dadka.”
(Saxiix Muslim)

"مَن تَرَكَ ٱلۡحَيَاءَ تَرَكَ ٱلۡإِيمَانَ"
“Qofkii ka tagaa xishoodka, ka tagaa iimaanka.”
(Tirmidi)

Qisooyin badan ayaa laga heli karaa dhanka diinta iyo taariikhda oo ku saabsan kibirka, laakiin intaan oo keliya ayaa inooga bixi karta macno weyn, waayo waxay muujinayaan sida uu kibirku u yahay dariiq halis ah oo qofka ka fogeeya xaqa, u horseedana halaag.

Qof kasta oo maanta ku kibraya aqoon, hanti, shaqo, ama muuqaal, waa inuu xusuusnaadaa in jirkiisu ka bilowday dhibic biyo ah, kuna dhammaan doono carro, intaasna lagu dhex mari doono nolol imtixaan ah oo Ilaahay leeyahay awoodda ugu dambaysa. Waxaan maqalnay dad shaqo fiican helay oo dadka ku kibra, balse muddo yar gudahood Eebbe ku tijaabiyay darajo ka dhac, iyo dad aqoon badan lahaa oo dadka ku qoslaa, balse markay imtixaan adag la kulmeen ogaaday in ay jiraan kuwo ka aqoon badan.

Kibirku waa maskax yar oo dhar weyn xiratay. Qofka runta yaqaan ma kibro, kibrigu wuxuu ka yimaadaa jaahilnimo. Waxa keliya oo aad ku kibrikartaa waa akhlaaqda wanaagsan iyo tawaducda. Ahlu-cilmiga runta ah waxay inta badan yiraahdaan: “Waxa kaliya aan aqaano waa inaan waxba aqoon,” waayo marka aad wax barato waxaad ogaanaysaa heerka jahligii hore, waxaana kuu soo baxaysa in cilmiga aad haysato uu aad u yar yahay marka loo eego cilmiga Eebbe. Oraah kale ayaa leh: “Pride comes before a fall” oo micnaheedu yahay kibirku wuxuu ka horreeyaa dhicitaanka. Mid kale ayaa leh: “The higher we are placed, the more humble we should walk.”

Ilaahay qalbigeenna haka nadiifiyo kibriga iyo isla-weyniyada, hana nagu anfaco cilmiga toosan. Ducada Nabiga (SCW) waxay ahayd:
"ٱللَّهُمَّ ٱجۡعَلۡ قَلۡبِى نَقِيًّۭا مِّنَ ٱلۡكِبۡرِ، وَٱرۡزُقۡنِى ٱلتَّوَاضُعَ وَحُسۡنَ ٱلۡخُلُقِ"
“Alloow qalbigayga ka saar kibriga, i sii tawaduc iyo akhlaaq wanaagsan.” (Duco Nabawi ah)

— Sharafdin Yusuf