Daraad dhoweyd baraha bulshada ayaan ka daawanayay muuqaal ku saabsan jir-dhiska. Yarka wax qaldan ma uusan sheegin, xogta uu soo gudbinayayna waa kuwo uu soo xigtay, ma aha kuwo uu iska dhahay. Mid ay ugu qoran tahay “Dr. Hebel”, dharka dhaqaatiirtana wataa, ayaa comment ugu soo qoray inuusan ka hadlin wax aanu aqoon u lahayn.
Waxaan la yaabay; dadka jaamacadaha ka baxay ama shahaadooyinka wata yaa cilmiga siiyay? Waa run in qofku uu ka gaabsado waxa uusan aqoon, laakiin qofka cilmiga yaa siiyay? Haddii aad jaamacad ka baxday, cilmigaas waad taqaan miyaa ? Qofka jir-dhiska sameeya ee aqoon u leh jir-dhiska wuu ka hadli karaa wixii hoos yimaada, waayo waa wax uu yaqaan e.
Jaamacad ≠ Aqoon.
Jaamici ≠ Aqoonyahan.
Degree-ga jaamacadda waa iska 'certificate of completion' oo suit leysku sawiro, ee cilmiga caqli halagu daro.
— Sharafdin Yusuf