Taariikhda galkeeda xumaanta waxaa 90% kaga jira Galbeedka.

Sawirka bidix – sannadku waa 1900, xilligii Khilaafadda Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire). Waxaa ka muuqda labo wiil oo mid madow yahay midna cadaan yahay, labaduba waxay xidhan yihiin dhar rasmi ah, waxayna u taagan yihiin si sharaf leh. Sawirkan wuxuu ka tarjumayaa sinnaanta bani’aadamka ee ku saleysan Islaamka — diin dadka madow u aragtay bini’aadam buuxa, aan lagu qiimeyn midab, balse lagu qiimeeyo akhlaaq, iimaan, iyo karti.

Sawirka midig waa mid ka turjumaya xaqiiq xanuun leh.
Wiilka ku jira qolofka birta ah waxa la rumeysan yahay inuu ka yimid Congo, gaar ahaan Belgian Congo — maanta loo yaqaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC). Xilligaas Congo waxay ahayd dal si arxan darro ah u hoos jiray Boqortooyada Belgium, oo uu hoggaaminayay Boqor Leopold II.

Gumaysiga Belgium wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu naxariis darran taariikhda:

- Dadka Congolese waxaa lagu khasbi jiray shaqo culus si loo soo saaro caag (rubber) iyo macdano.

- Qofkii aan keeni karin qaddarka loo baahan yahay waxaa lagu dilayay ama gacmaha laga goynayay.

- Tobanaan kun oo carruur iyo dad waaweyn ayaa laga keenay Congo si loogu soo bandhigo “Human Zoos” – meelo ay Yurubiyaanku ku daawan jireen dadka madow sidii xayawaan.

Waxaa ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu caansanaa Brussels World Fair (Expo 1958) halkaas oo dad Afrikaan ah laga keenay Congo laguna xiray "beero" dadka lagu daawan jiray, iyadoo loogu yeeray “exotic human displays.” Ireland xitaa waxaa jiray goob loo yaqaan **Somali Human Zoo**.

Sida la sheego kana muuqata sawirka, labada gabdhood ee sawirka midig ku jira, aabahood wuxuu cunugaas yar ugu keenay inuu u noqdo sida toy ay ku ciyaaraan. Xilligaas, boqolaal reer Yurub ah — gaar ahaan Belgium, France, iyo Netherlands — waxay u arkayeen dadka Afrikaan-ka ah waxyaabo lagu maaweelo. Carruur madow ayaa si toos ah loogu keeni jiray guryaha dadka cadaanka ah, gaar ahaan kuwa taajiriinta ama masuuliyiinta gumeysiga, si ay carruurtooda ugu maaweelaan.

Xaqiiqaha la ogyahay:

- Carruurta cadaanka ah waxaa lagu baraarujin jiray inay “daawadaan” dadka madow.

- Wiilasha iyo gabdhaha madow waxaa loogu sheegay inay yihiin "dad dhaqameed" ama "xayawaan aadane ah".

- Dadkaasi ma ahayn xor, waxay ahaayeen addoomo casri ah oo loo adeegsaday sida alaab.

Sawirradani waxay ka tarjumayaan labo adduun oo kala duwan:

1. Mid dhisaya bini’aadannimada iyadoo aan la eegin midabka.

2. Mid burburinaya sharafka qofka sabab la’aan, kaliya midabkiisa awgiis.

Taariikhda lama illoobi karo — waxay ina baraysaa cidda ilaalisay bini’aadannimada iyo cidda ku faantay dulmiga.

Waan qoslaa marka Galbeedku ka hadlo cadaalad iyo xuquuq, iyadoo taariikhdooda ay ka buuxdo dhacdooyin ka xun kuwa ay maanta ku eedeeyaan dadka kale.

— Sharafdin Yusuf