Hooyadu waa geesiga aamusan ee dhiig iyo naf u hura ubadkeeda, haddana aan weligeed sheegan geesinimadeeda.

Dhalmadu waa xaalad nolol iyo geeri u dhaxaysa. Waa waqti adag oo hooyo ku taagan tahay halgan naf iyo dhiigba ku qotoma. Waxaa jira hooyooyin badan oo umusha ku naf waayey, halka kuwo kalena ay badbaadeen, balse xanuunka iyo dhibka ay soo mareen noloshooda inteeda kale ku xusuustaan. Waxaa la dhahaa xanuunka dhalmada waa midka ugu adag ee bani’aadam la kulmo marka laga reebo geerida. Dhaqaatiir badan waxay ku tilmaamaan inuu la mid yahay qof nool oo dab lagu dhex gubay, ama labaatan laf oo isla mar ahaantaas jabtay. Tani waxay caddeyn u tahay geesinimada iyo dulqaadka Alle dumarka dushooda ku waajibiyey.

Alle wuxuu Qur’aanka ku xusay dhibka hooyada:

وَوَصَّيْنَا الْإِنسَانَ بِوَالِدَيْهِ حَمَلَتْهُ أُمُّهُ وَهْنًا عَلَىٰ وَهْنٍ وَفِصَالُهُ فِي عَامَيْنِ أَنِ اشْكُرْ لِي وَلِوَالِدَيْكَ إِلَيَّ الْمَصِيرُ
“Insaanka waxaan amarnay inuu baarri u noqdo oo wanaag u sameeyo labadiisa waalid. Hooyadii waxay uurka ku sidday iyadoo ku sugan taagdarri ay u dheertahay taagdarri kale, dhammaystiridda nuujintiisana waa muddo laba sano ah. Waxaanna ku niri: Aniga ku shukri, kaddibna ku shukri labadaada waalid. Xaggayga uun baa loo soo laabanayaa.”
(Suuradda Luqmaan: 14)

Nebiga (NNKH) markii la weydiiyey yaa ugu mudan qofka wanaag loogu sameeyo, wuxuu saddex jeer ku celiyey: “Hooyadaa”, markaas ayuu afraadna yiri: “Aabbahaa.” Xadiis kalena wuxuu yiri:

اَلْجَنَّةُ تَحْتَ أَقْدَامِ الْأُمَّهَاتِ
“Jannadu waxay hoos taallaa cagaha hooyooyinka.”
(Sunan An-Nasaa’i: Kitaab al-Jihaad)

Daliilladan waxay muujinayaan darajada aan la soo koobi karin ee hooyadu leedahay. Hooyadu waa geesi aamusan. Waa qof dhiig iyo naf u hura ubadkeeda, haddana aan weligeed sheegan geesinimadeeda. Waxaa la yiraahdaa: “Hooyadu waa qorraxda guriga; iyada oo jirta waxaa jirta diirimaad, iyada oo maqan waxaa haray qabow iyo gudcur.” Qof kasta oo dunida yimaada wuxuu ugu horreyn akhriyaa wejiga hooyadii, waxayna noqotaa kitaabkiisii ugu horreeyay ee nolosha.

Qoysas ayaa weligood ku xusuusta hooyooyinkii ay waayeen xilliga umusha, halka kuwa kale ay mar kasta u dabaal dagaaan mucjisadii badbaadada. Hooyada xanuunkeedu waa mid ay adduunka oo dhan u xambaarto, balse farxaddeedu waa in ilmuhu hal mar qoslo.

Xaqa hooyo leedahay laguma gudi karo nolol dhan. Xitaa haddii qof noloshiisa oo dhan hooyadiis u adeegayo, weli kama bixin karo dhibka iyo dhiigga ay u martay. Waxaa la yiri: “Markaad rabto inaad aragto janno dhulka saaran, hooyadaa fiiri.”

Dhalmadu waa imtixaan adag, balse waa mid ku tusaya karaamada hooyada iyo cadaaladda Alle. Qofkii fahma dhibka hooyadu martay, wuxuu fahmayaa qiimaha haweenka iyo in la qadariyo waajibkooda, wuxuuna garwaaqsadaa in abaal hooyo aan weligeed la gudi karin.

— Sharafdin Yusuf