Heshiiskii Sacuudiga iyo Pakistan wuxuu u muuqdaa inuu yahay qodob taariikhi ah oo calaamad u noqon kara bilow cusub oo siyaasadeed iyo istiraatijiyadeed. Labadan dal mid waa hogaanka Islaamka iyo dhaqaalaha dunida Islamka, midna waa quwadda Islaamka. Heshiiskan difaac, fariinta ay dirayaan ma aha oo keliya mid ku wajahan weerar kasta oo iman kara, balse waa fariin u digaysa Israel iyo reer Galbeedka oo muddo dheer ahaa dammaanadda amniga Khaliijka. Sacuudiga wuxuu muujiyay inuu tashanayo, islamarkaana aanu kalsooni buuxda ku qabin in Galbeedku weligiis difaaci doono, gaar ahaan kadib markii Israel si lama filaan ah u weerartay Qatar, dhacdo bedeshay jihada siyaasadeed ee gobolka.
Pakistan ayaa dhinaceeda helaysa taageero dhaqaale iyo sharaf siyaasadeed oo ka weyn intii hore, iyadoo awooddeeda nukliyeer lagu tilmaamayo dabool difaac oo Sacuudiga uu ku tiirsanaan karo. Heshiiskan wuxuu ina xusuusinayaa qaabkii NATO u bilaabatay 1949, markaas oo 12 dal Yurub ah ku midoobeen, ka hor intii aysan noqonin quwad caalami ah oo aan cidina hareeri karin. Haddii Sacuudiga iyo Pakistan noqdaan urur iskaashi difaac, maxaa diidaya in Qatar, Kuwait iyo Imaaraadka ay ku biiraan? Sidaas ayaa loo arkaa in uu bilow u noqon karo wax la dhihi karo “Muslim NATO” – urur difaac Islaami ah oo isku dhafan dhaqaalaha, diinta, iyo awoodda ciidan ee nukliyeer.
Cawaaqibta heshiiskan waa mid ka baxsan labada dal oo kaliya. Iran ayaa dareemi karta in heshiiskan uu yahay hanjabaad toos ah, maadaama ay deris la tahay Sacuudiga isla markaana aanay doonayn in Khaliijka uu yeesho dammaanad nukliyeer. Taas beddelkeeda waxay xoojin kartaa xiriirka Iran la leedahay Turkey ama Russia. Turkey-na, oo xubin ka ah NATO isla markaana ah dal Muslim awood leh, waxaa suurtagal ah inuu arko fursad uu kaga qayb qaato dhisidda isbahaysi cusub oo Islaami ah, taas oo saddex geesood ka dhigaysa; Sacuudiga, Pakistan iyo Turkey.
Reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, oo tobannaan sano ahaa il amni iyo dammaanada Khaliijka, wuxuu arkaa in Sacuudiga uu beddel raadinayo. Taasi waxay wiiqi kartaa saameyntii uu gobolka ku lahaa, waxayna qasbi kartaa inuu dib u qiimeeyo xiriirkiisa dalalka Carabta. Isla markaana, dadka Muslimiinta ah ee caalamka oo dhan waxay u arki karaan heshiiskan calaamad sharaf iyo rajo cusub oo ku saabsan awood Muslim mideysan, mid u taagan difaaca iyo madax-bannaanida siyaasadeed.
Waxaa intaas dheer, heshiiskan wuxuu leeyahay dhinac dhaqaale oo la dareemi karo. Sacuudiga oo hogaamiya tamarta iyo Pakistan oo leh awood ciidan iyo dad badan, isku darkoodu wuxuu noqon karaa mid aan kaliya difaac ahayn balse dhaqaale iyo istiraatijiyad caalami ah. Waxaa lagu tilmaami karaa bilow urur aan ku ekeyn milatari, balse noqon kara dhaqaale iyo difaac, taas oo mar kale ka dhigaysa in dunida Islaamka ay hesho iskaashi ballaaran.
Marka la eego dhammaan dhinacyada heshiiskan, laga bilaabo awoodda nukliyeer ee Pakistan, dhaqaalaha iyo hogaanka Islaamka ee Sacuudiga, welwelka Iran, aragtida Turkey, iyo ka burburka kalsoonida reer Galbeedka, waxaa muuqata in dunida Islaamka ay u bilaabanayso bog cusub oo taariikhi ah. Tani ma aha oo keliya heshiis difaac, waa calaamad dhaqan iyo siyaasadeed oo tilmaamaysa in Muslimiintu ka soo kabanayaan kala qaybsanaan, islamarkaana ay raadinayaan isku duubni iyo difaac wadajir ah. Heshiiskan wuxuu noqon karaa mid taariikhda lagu xuso sidii bilowgii isbahaysi Muslim ah oo ku saleysan midnimo, awood, iyo madax-bannaani. Waxaa laga yaabaa in jiilkan uu markhaati ka noqdo hal-abuurka isbahaysi Muslimi ah oo dunida ku qasbi kara inay dib u barato awoodda Islaamka – awood aan ku dhisnayn khayraad kaliya balse ku dhisan midnimo, isdifaac iyo sharaf. Heshiiska Sacuudiga iyo Pakistan waa fariin cad: waqtigii lagu tiirsanaa cid kale waa dhammaaday, waana bilaabashadii isku tashi Muslim oo laga yaabo in mustaqbalka noqdo waxaan dhihi karno Muslim NATO.
— Sharafdin Yusuf