25-kii September 1926, Henry Ford — oo ahaa hal-abuuraha nidaamka wax-soo-saarka ee casriga ah iyo aasaasaha shirkadda Ford Motor Company — ayaa shaaciyay in shaqaalaha warshadihiisa ay shaqeyn doonaan 8 saac maalintii, 5 maalin isbuucii. Nidaamkan ayaa maanta inta badan dunida laga adeegsadaa.
In kasta oo dadka shaqada neceb, gaar ahaan kuwa doonaya in isbuuca laga dhigo 4 maalin oo shaqo, ay arrintan ka caroodaan maanta, waqtigii uu Ford soo bandhigay waxay ahayd arin weyn. Kahor arrintan, shaqaalaha badankood waxay shaqeyn jireen 6 maalin usbuucii, maalintana waxay ka shaqeyn jireen 10–12 saac.
Qorshahan cusub ee uu Ford hirgeliyay wuxuu ahaa guul weyn oo ay muddo dheer ku taamayeen dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda shaqaalaha tan iyo qarnigii 19aad.
— Sharafdin Yusuf