Waxaan layaabay dabciga bini’aadamka ee is-aaminitaanka. Psychology ahaan, qof kastaa wuxuu leeyahay hab uu naftiisa ku difaaco (defense mechanism), si uu u ilaashado kalsoonidiisa. Taasi waxay sababtaa in qof foolxun uu aamino inuu qurux badan yahay.

Haddii aad tahay qof caadi ah oo qurux iyo foolxumo dhexdooda ah, waa iska caadi in aad isu aragto qof qurxoon ileen ugu yaraan ma foolxumid. Laakiin markaad foolxun tahay oo haddana maskaxdaadu kugu qanciso in aad qurux badan tahay – waa halka ay xiisadu ka bilaabato. Marka uu qofku muraayadda hor istaago, naftiisa ku qancinaayo: “waan qurux badanahay” – wuuna isu jeedaa e.

Anigoo taas ka duulaya ayaan rabay cilmi-baaris yar inaan sameeyo: sidee bay dadka foolxun u aaminsan yihiin in ay qurux badan yihiin? Waxaan go’aansaday inaan xog ururin ku sameeyo dadka ii dhow ee aan u arkayay inay foolxun yihiin.

Laakiin… markiiba cilmi-baaristii way dhammaatay. Waala xanaaqay oo salaantii ayaa la iga jartay, Waxaa ii cadaatay hal natiijo cilmiyeed: Qof foolxun waligiis ma qirto inuu foolxun yahay.

Psychology ahaan, tan waxaa lagu sharraxaa “self-perception bias” iyo “ego defense” – taas oo micnaheedu yahay in qofku si qasab ah u aamino wax uu rabitaan ahaan ku difaacayo, xitaa haddii xaqiiqadu ka soo horjeedo.

Ugu dambeyntii, cilmi-baaristii aan rabay inaan ku qoro buug psychology ah waxay ku dhammaatay block list iyo salaantii oo la iga jartay. Sidaa darteed qormadan waxaan ku soo afjarayaa: “Research terminated due to subject hostility.” 😂

Qormadani waa kaftan, balse su’aashu waa iga daacad. Bal adiguna isku day cilmi-baaristan.

Sawirka iyo qormada isma laha, se ninbaa PhD ku qaatay buugga aad sawirkiisa aragtaan, lol.

— Sharafdin Yusuf