Marka aad dib ugu noqoto buugga taariikhda ee qarniyadii la soo dhaafay, waxaad arkeysaa dhaqdhaqaaq lagu magacaabo feminism oo ka soo baxay Galbeedka, gaar ahaan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Dhaqdhaqaaqan wuxuu dhashay qarnigii 18-aad iyo 19-aad, xilli ay bulshooyinkaas ku jireen nidaamyo sharci iyo dhaqan oo dumarka ka xannibayay xuquuq badan.
Si loo fahmo horumarkiisa iyo isbeddelkiisa, taariikhda feminism-ka waxaa badanaa loo qaybiyaa afar “wave” (marxalado). Qayb kasta oo ka mid ah “waves”-kan waxay leedahay ajande gaar ah, ujeeddooyin iyo hoggaamiyeyaal ka duwan kuwii ka horreeyay. Tani waxay ka dhigeysaa in aan si cad u aragno sida afkaarta iyo yoolalka feminism-ku isugu beddeleen waqti ka dib.
Marxalada Koowaad
Qarnigii 19-aad iyo horraantii qarnigii 20-aad, waxa uu xooga saaray hal shay: xuquuq sharci. Dumarku waxay doonayeen in loo oggolaado codbixinta, lahaanshaha hanti, iyo inay galaan shaqooyin rasmi ah. Hoggaamiyeyaasha sida Susan B. Anthony iyo Emmeline Pankhurst waxay wadeen olole ballaaran oo sharci-dejin ah.
Marxalada Labaad
1960-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, feminism-ku wuxuu ka baxay sharci oo wuxuu galay dhinacyada dhaqan iyo bulsho. Waxaa la rabay mushahar siman, ka hortag takoorka jinsiga, xuquuqda ku saabsan jidhka, iyo helitaanka shaqooyinka hoggaamineed. Buugga The Feminine Mystique ee Betty Friedan wuxuu noqday calaamad cusub oo kicisay doodaha.
Marxalada Saddexaad
1990-meeyadii ilaa 2000-meeyadii, waxaa la keenay afkaar cusub oo xoogga saaraya kala-duwanaanta dumarka laftooda. Waxaa la aqoonsaday in dumarka midabada kala duwan, asal qowmiyadeedka kala duwan, iyo xaaladaha dhaqaale kala duwan ay leeyihiin waayo-aragnimo aan isku mid ahayn. Halkaan waxaa la isku daray doodaha jinsiga (gender) iyo aqoonsiga (identity).
Marxalada Afraad
2010-meeyadii ilaa hadda, feminism-ku wuxuu galay dunida digital activism. Baraha bulshada ayaa noqday goobta ololayaasha sida #MeToo, iyadoo la soo bandhigay tacaddiyada shaqo iyo bulsho, laguna baaqay isla xisaabtan degdeg ah.
Afkaarta Guracan iyo Khilaafka Shareecada
Marka laga soo tago doodaha ku saabsan xuquuq sharci, feminism-ka — gaar ahaan marxaladaha dambe — wuxuu keenay aragtiyo si toos ah uga hor imaanaya shareecada Islaamka.
Mid ka mid ah waa fikradda ah in ragga iyo dumarku ay yihiin isku mid gebi ahaanba dhanka waajibaadka, kaalinta qoyska, iyo hoggaaminta. Tani waxay si cad uga hor imaanaysaa Qur’aanka oo sheegay in raggu ay yihiin masuuliyiinta iyo hogaamiyeyaasha qoyska:
ٱلرِّجَالُ قَوَّٰمُونَ عَلَى ٱلنِّسَآءِ
“Raggu waa masuuliyiinta (hoggaamiyeyaasha) dumarka…” (An-Nisaa: 34)
Waxay sidoo kale ku doodaan waxa ay ugu yeeraan “xuquuqda taranka” oo ay ku jirto oggolaanshaha in uurka la iska soo rido iyadoo aan loo eegin xeerka shareecada, halka Islaamku u oggol yahay arrintan kaliya xaalado gaar ah sida badbaadinta nolosha hooyada.
Waxaa kale oo ka mid ah diidmada hoggaaminta ragga ee qoyska (patriarchy), taas oo feminism-ku u arko cadaalad darro, laakiin Islaamku u arko nidaam mas’uuliyadeed oo ilaalin iyo taageero u ah haweeneyda.
Midda ugu khatarta badan ayaa ah u doodista galmada ka baxsan guurka iyo aqbalaadda xiriirka isku jinsiga (LGBTQ+), taas oo si cad uga hor imaanaysa xeerka shareecada ee ku saabsan guurka, taranka, iyo ilaalinta qiyamka akhlaaqda. Waxaa sidoo kale ka mid ah isku dayga in la tirtiro kala saarista jinsiga ee dabiiciga ah (gender identity fluidity), taas oo keenta jahawareer aqoonsi iyo burburka nidaamka qoyska.
Maangaabnimada Ku Jirta Feminism-ka
Marka caqli ahaan loo qiimeeyo, feminism-ku wuxuu ku dhisan yahay mabda’ is burinaya oo aan sal adag lahayn. Waxay sheegtaan in ragga iyo dumarku yihiin isku mid gebi ahaanba, laakiin waxay isla waqtigaas aqoonsan yihiin kala duwanaanta muuqata ee jirka, maskaxda, iyo doorka dabiiciga ah ee mid walba ku leeyahay bulshada.
Waxay ku doodaan xorriyad buuxda, balse xorriyaddaas waxay keentaa burbur qoys, hoos u dhac dhalmo, iyo dhibaato bulsho oo cusub. Waxay sheegtaan inay u taagan yihiin cadaalad, balse waxay ka qaadanayaan qeexidda cadaaladda meel ka baxsan Eebbe oo keliya xaqa u leh inuu qeexo waxa cadaalad ah iyo waxa dulmi ah.
Dhibaatooyinka Ka Dhashay Feminism-ka
1. Burburka qoyska – Doorkii dabiiciga ahaa ee ragga iyo dumarka ayaa la isku beddelay, taas oo keentay in masuuliyadda qoyska ay dhacdo, khilaafkuna bato. Heerka furriinka ee reer Galbeedku si weyn ayuu u kacay 1960-meeyadii kadib.
2. Hoos u dhaca dhalmada – Afkaarta “xorriyadda jidhka” iyo “mustaqbalka shaqsiga” ayaa keentay in guurka la dib dhigo ama gebi ahaanba la iska daayo. Wadamo badan oo Yurub iyo Ameerika ah ayaa maanta la tacaalaya dhalmo hoose oo aan daboolin xitaa baahida shaqaalaha.
3. Kalsooni nafsiyeed oo hoos u dhacda – Dumarka waxaa lagu riixay tartan shaqo oo aan jir ahaan iyo nafsi ahaan loogu talagalin, taas oo dhalisay daal, walwal iyo niyad-jab. Rag badan ayaa dareemaya in doorkoodii la qaadanayo, taas oo dhalisay niyad-jab iyo dhalinyaro ka fogaata guurka.
4. Faafidda sinada iyo xiriirrada aan sharci ahayn – “Sexual liberation” ayaa ka dhigtay galmada mid caadi ah oo ka baxsan guurka, taas oo kor u qaaday cudurrada la is qaadsiiyo, caruur aan waalid isku ahayn, iyo burbur qiyamka akhlaaqda.
5. Dhibaato dhaqameed iyo diin la’aan – Wadamada Muslimka ah ee qaadanaya afkaarta feminism-ka waxaa ka soo muuqday dhar, dhaqan, iyo xiriir bulsho oo ka fog shareecada, taas oo dhalinyarada ku riixaysa inay ka fogaadaan diinta iyo qiyamka.
Xukunka Shareecada
Marka la eego asalka feminism-ka, afkaarta uu sida tooska ah ugu jiro ee ka hor imaanaysa qiyamka Islaamka, iyo caddeymaha Qur’aanka iyo Sunada, waxaa muuqata in nidaamkan looma talagelin Muslimiinta. Waa aragti ka timaadda meel ka baxsan shareecada, taas oo ujeedkeedu yahay in la beddelo nidaamka uu Alle dejiyay.
Haddaba, haddii afkaarta feminism-ka la qaato iyadoo ay ka mid tahay aragti ka soo horjeeda qiyamka diinta, waxay noqoneysaa afkaar gaalnimo. Sababtoo ah labada jinsi — rag iyo dumar — shareecadu waxay siisay xuquuq cad, una kala saartay waajibaad iyo masuuliyado. Intaas ka baxsan, cidii wax ka raadisa oo aysan shareecadu u baneen, cidda baneeysa waa gaalnimo.
Khiyaanada Magaca “Cadaalad”
Maanta, mid ka mid ah hubka ugu khatarta badan ee lagu faafiyo afkaarta feminism-ka waa isticmaalka erayo qurux badan sida “xuquuq”, “xorriyad” iyo “cadaalad”. Waxaa loogu talagalay in lagu soo jiito dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan dumarka, si ay u aaminaan in afkaarta feminism-ku ay yihiin dariiq lagu gaari karo sinnaanta iyo sharafka.
Laakiin marka aad hoos u eegto, erayadaas waxaa lagu buuxiyay micne cusub oo ka soo horjeeda waxa shareecadu qeexday. “Xuquuq” waxaa lagu micneeyaa in qofka uu isagu gooyo xeerarka iyo xuduudaha, “Xorriyad” waxaa lagu fasiraa in qofku sameeyo waxa uu doono xitaa haddii ay shareecadu mamnuucday, “Cadaalad” waxaa loo adeegsadaa in lagu wiiqo kala saarista waajibaadka ragga iyo dumarka ee Islaamku dejiyay.
Muslimiinta qaar, iyagoo doonaya inay ka hortagaan dulmiga dhabta ah, ayaa si toos ah ugu dhacaya dabinka. Waxay arkayaan kaliya wejiga dibadda ee quruxda leh, balse ma arkaan in gudaha uu yahay nidaam ka horjeeda shareecada.
Feminism-ka maanta wuxuu si cad ula dagaallamayaa shareecada: wuxuu ka saaraya xeerarka guurka, wuxuu taageerayaa galmada ka baxsan guurka, wuxuu aqbalayaa guurka isku jinsiga, wuxuuna meesha ka saaraya hoggaaminta ragga ee qoyska. In qof Muslim ah uu ku biiro dhaqdhaqaaq sidan oo kale ah isagoo u arka cadaalad, waxay khatar ugu jirtaa inuu ka baxo xuduudda Islaamka oo uu qaato afkaar gaalnimo.
Cadaaladda dhabta ah, xuquuqda saxda ah, iyo xorriyadda sharafka leh waxaa lagu heli karaa oo keliya iyadoo la raacayo shareecada Islaamka. Wax kasta oo ka baxsan taas, xitaa haddii magac wanaagsan lagu labbisto, waa marin habaabin.
Feminism waa dhaqdhaqaaq taariikhi ah oo reer Galbeed ah, soona maray afar “wave” oo mid walba ku daray ajande cusub. Laakiin ma ahan mid dariiq Islaam ku dhisan, mana ahan magac lagu raadin karo xuquuq Islaami ah. Haddii cadaalad loo baahan yahay, Islaamka ayaa bixiya nidaam dhameystiran oo xuquuqda dumarka iyo ragga si cad u qeexaya — mid aan u baahnayn in lagu shubo magacyo laga keenay meel kale.
— Sharafdin Yusuf