Layaab! Ma moodeyn in Soomaali ay ilaa heerkaan maangaab noqdeen.

Arrinta Falastiin aan in yar dul istaago:

Falastiin ayaa Soomaaliya soo cayday.

Qadiyada Falastiin waa qadiyad Islaam, ma ahan mid Carbeed ama mid ay Falastiiniyiintu kaliya u taalo. Qof walba oo Muslim ah waa qadiyaddiisa—ha dafiro ama ha yeelo. Sidaas darteed, waa in aan u difaacnaa sidaan Saylac u difaaci lahayn. Falastiin waa muqadas. Intaas aan uga baxo qadiyaddeena.

Dhanka kale, ummad yaa matala?

Ma in yar oo ka mid ah ayaa matasha? Mise hoggaamiyaheeda?
Horta waa kuma hoggaamiye?

Hoggaamiyuhu waa mid hoggaan ama horseed u ah ummad. Ummaddana waxaa matala hoggaamiyaheeda. Soomaaliya go'aamadeeda iyo taageeradeeda waxaa matala madaxdeeda, ileen iyaga hoggaan u ah e.

Dhanka Falastiin, hoggaamiyaheeda, Ismaaciil Haniyah (Allaha u naxariistee), waxa uu yiri: "Soomaalida waa dadka kaliya waxan dareemayno nala dareemay."

Hadalkaas ayaa ah hadalka Falastiin ay Soomaaliya ka tiri, ee ma ahan in yar waxay dhaheen. Sidoo kalena, haddii aad tihiin kuwa wax akhriya ama documentary dhageysta, mar hore ayaad aragteen in Yahuudu ay leeyihiin qeyb dhan oo barata, daraaseysa luqadda iyo dhaqanka Carabta.

Soomaalida waa ummadda kaliya ee Falastiin si indho la’aan ah u taageersanaa shacab ahaan. Ma idinla tahay in arrinkaas Yahuudu ogol yihiin?

Soomaalida baraha bulshada ku qeylinayay aan u nimaadno:

Waxaa jira laba qeybood:

1️⃣ Kuwa ebelba diin naceyb ku jiray oo Carab naceyb kaaga dhigaayay mashruuc socda ah. Kuwaas waaba kuwa howshooda wata.

2️⃣ Qolo labaad oo iska masakiin ah, aan waxba akhriyin, caqli yarana ku jirin, caqli wax garad ahna aan lahayn. Kuwaas waa kuwa indha-daboolan, oo ay indha dabooleen kuwii diin naceybka Carab naceyb ka dhigaayay. Iyada oo horey indho xernaayeen, ayeey baraha bulshada ku hayaan:
"Falastiin ayaa na cayday, innagoo caawin jirnay, u duceyn jirnay ayeey sidaas noo galeen. Hadda kadib way noo kala dhamaatay!"

Oh, Qazza iyo Falastiin waa qadiyad Carbeed oo ma ahan mid Islaam?
Marka adiga oo Muslim ah kuma taalo? Wali ma arag Soomaali Muslim ilaa heerkaas doqon ah.

Qadiyadda meel ino dhig, caawinaaduna ma aheyn Alle dartiis?

﴿إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ اللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَاءً وَلَا شُكُورًا﴾
[ الإنسان: 9]

Ma inay idin amaanaan ayaad u caawin jirteen? Ugu duceyn jirteen? Doqonnimo.

Aan isku soo wada duubno:

Dhulkaas waa dhul Islaam, waana isku kay mid dhul waliba oo Islaam leeyahay. Ummadda Falastiinna waa isku kay mid Soomaalida.

Allow ha inaga dhigin kuwa jaahiliin ah, waxna qorin, waxna akhriyin, hana inaga dhigin kuwa indha-daboolan ee aan waxba garaneyn!

— Sharafdin Yusuf