Dayaxu sidiisa waa mid mugdi ah oo aan lahayn iftiin. Waxa uu iftiinka ka qaataa qorraxda, markaas ayuu dhulka ku iftiimaa. Marka dhulku soo dhexgalo oo uu xannibo iftiinka qorraxda ee dayaxa gaari lahaa, dayaxu wuxuu u muuqdaa mugdi – taas ayaa loo yaqaannaa dayax madoobaad (lunar eclipse). Eeg Sawirka Hoose.
Waxaa la yaab ah in dadka qaar ay weli casrigan la noolyihiin jahli, oo ay aaminsan yihiin in dayax madoobaadku yahay musiibo, dayaxa la qabtay, dambigeenna batay, ama xitaa ay qaataan luwaan oo qaylo dhaamiyaan. Taasi waa khuraafaad aan sal iyo raad diin toona ku lahayn, ee waa jahli iyo musiibo nafsadeed oo dadka dib ugu celinaysa jahliyaddii hore.
Nabiga ﷺ wuxuu yiri: عَنْ أَبِي مَسْعُودٍ، قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ: "إِنَّ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ آيَتَانِ مِنْ آيَاتِ اللَّهِ، لاَ يَنْكَسِفَانِ لِمَوْتِ أَحَدٍ وَلاَ لِحَيَاتِهِ، فَإِذَا رَأَيْتُمُوهُمَا فَادْعُوا اللَّهَ وَصَلُّوا، حَتَّى يَنْجَلِيَ." (Sahih Muslim, Kitaab al-Kusuuf, Xadiis: 901)
Waxaan ka fahmeynaa in dayax madoobaadku yahay calaamad muujinaysa awoodda Alle, lagana fogaado khuraafaadka iyo cabsida aan salka lahayn. Waa dhacdo dabiici ah, sida roobka ama dabaysha, waxaana loogu talagalay in qofku ku xusuusto awoodda Eebe oo uu ku laabto baryo iyo salaad.
Waxba ogama duwana dabiiciyaadka dhaca sida hilaac ama roob da'aya.
Dad qalbi madow ayaa ka sheekeenaya dayax madoobaad. Soomaalida waa wada kaftan.
— Sharafdin Yusuf