“Damacu wuxuu boqorrada ka dhiga addoomo, halka samirku addoomada ka dhigo boqorro.” — Imam Al-Ghazali

Nolosha bini’aadamka waxaa hagi kara laba xoog oo is diidan: mid waa damac, midna waa samir. Labadan awoodood waa laba jiho oo nafta u kala jiida. Mid waa codka degdega ah ee leh “rabitaan hadda”, midna waa codka xasiloon ee leh “wakhti sii”. Damacu waa rabitaan xooggan oo qofka ku riixa inuu helo waxa uu doonayo, xitaa isagoo aan ka fiirsan cawaaqibta. Waa iftiin soo jiidasho leh, balse haddii aan la xakameyn, wuxuu isu beddelaa dab guba naf iyo maskaxba. Qofka lagu hoggaamiyo damac aan xad lahayn, wuxuu noqdaa addoon u adeegaya rabitaankiisa — isagoo hadba wax doonaya, balse aan waligiis ku qanacsanayn waxa uu haysto.

Damac aan la xakameyn wuxuu kala fogeeyaa dadka, wuxuu daaliya qalbiga, wuxuuna tirayaa mahadnaqa. Qofka noocaas ah ma arko nimcada uu haysto ee wuxuu arkaa waxa uu waayey. Noloshiisu waa orod aan meel u socon, waayo damacu waligiis kuma nasto helitaan, ee wuxuu ku nastaa raadinta. Damacu mar walba wuxuu ku oranayaa “waan heli doonaa”, laakiin waligiis kuma yiraahdo “waan ku filanahay.”

Dhanka kale, samirku waa awood gudaha ah oo qofka siinaysa xasilooni iyo dulqaad xitaa marka duruufaha ay adag yihiin. Waa tiir lagu dhiso guusha dhabta ah — midda aan lagu gaarin xoog ama maal, balse lagu gaaro xakameynta nafta, fahamka waqtiga, iyo kalsoonida Ilaahay.

قال الله تعالى: "وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ وَنَهَى النَّفْسَ عَنِ الْهَوَىٰ، فَإِنَّ الْجَنَّةَ هِيَ الْمَأْوَىٰ"

“Qofkiise ka baqa in Alle la soo horjoojinayo si loo xisaabiyo, naftana ka celiya waxyaabaha xunxun ee ay jeceshahay, dhab ahaan jannada ayaa hoygiisa ah.” (Surat An-Naazi‘aat, 40–41)

Aayaddan waxay ina xusuusinaysaa in guusha dhabta ahi aysan ku jirin helitaanka waxa nafta rabto, balse ay ku jirto xakamaynta waxa ay rabto. Samirku waa aqoon lagu ogaado in waqtigu uusan kaa tageen, ee uu ku diyaarinayo. Waa awoodda lagu fahmo in aysan khasaaro ahayn marka aad sugeyso, balse ay tahay tababar uu Eebbe kugu barayo adkeysiga.

Qof samir badan waa boqor, xitaa haddii uu joogo xaalad hoose, sababtoo ah wuxuu maamulaa waxa uu dareemayo, halka qof damac badan uu addoon noqdo xitaa haddii uu hanti iyo magac leeyahay. Samirku waa sida geed timir ah — waxaa lagu beeraa adkeysi, lagu waraabiyaa rajo, balse marka uu miro dhalo, midhihiisu waa kuwa macaan oo waqti dheer lagu raaxeysto.

Damacuna wuxuu burburin karaa wanaagga iyo xiriirka, wuxuu dilaa niyadda iyo karaamada, halka samirku uu dhiso kalsooni, sharaf, iyo guul waarta. Marka aad rabto wax, ha degdegin. Weydii naftaada:

Ma damac baa igu wado, mise waa rajo iyo qorshe samir leh?

Markaad naftaada dib u milicsato, waxaad arkaysaa in mar kasta oo aad degdegtay aad khasaartay, mar kasta oo aad samrtayna aad heshay. Damac aan xad lahayn waa orod aan dhammaad lahayn, samirna waa socdaal lagu gaaro xasilooni iyo guul. Qof kasta wuu dooran karaa: inuu noqdo addoon damac ah, ama boqor samir ah.

"Fikirka waa iftiinka nafta, samirkuna waa saldhiggeeda. Nafta ha lagu hoggaamiyo xikmad, ee yaan lagu hallayn rabitaan."

— Sharafdin Yusuf