Ciyaarta chess waa mid aad u yaab leh sababtoo ah waxay leedahay suurtagalnimo aan dhammaad lahayn. Waxaa lagu qiyaasaa in ay jiraan 10^120 xaaladood oo kala duwan, tiradan oo loo yaqaan Shannon Number ayaa ka badan inta atom ee ku jirta koonka oo dhan. Xitaa kombiyuutarrada ugu awoodda badan ee quantum-ka ma awoodaan in ay si buuxda u xisaabiyaan dhammaan dhaqdhaqaaqyada.

Marka hal dhaqdhaqaaq la sameeyo, waxaa soo baxa 400 suurtagal. Laba dhaqdhaqaaq kadib waxay noqdaan 72,084. Saddex dhaqdhaqaaq kadibna tiradu waxay dhaaftaa sagaal milyan oo qaab ciyaareed. Sababtaas awgeed, ciyaarta mararka qaar waxay noqon kartaa mid aan dhamaad lahayn. Sidaas darteed ayaa loo sameeyay xeerka loo yaqaan “fifty-move rule”, kaas oo ciyaarta lagu joojinayo haddii muddo dheer wax guul ama qabasho ah la gaari waayo.

Waxaa sidoo kale suuragal ah in hal kulan uu socdo tobanaan kun oo dhaqdhaqaaq, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah ciyaaraha ugu dheer ee abid la ciyaari karo. Dhanka kale, waxaa jira qaab aad u gaaban oo guusha lagu gaaro oo loo yaqaan “Fool’s Mate”, waa marka laba dhaqdhaqaaq gudahood lagu dhammeeyo ciyaarta.

Chess ma aha ciyaar ku dhisan nasiib, ee waa mid gebi ahaanba ku dhisan xeelad, dulqaad, iyo maskax. Dhaqdhaqaaq kasta wuxuu leeyahay miisaan iyo muhiimad gaar ah. Waa in aad ka fiirsato marar badan inta aad dhaqaaq sameyn.

— Sharafdin Yusuf