Waxbarashada dalka sanadihii u dambeeyay waxay la kulantay caqabado badan, goobihii waxbarasho badankood waxay noqdeen ganacsi, halka dhalinyaro badan aysan awoodin inay sii wataan waxbarashadaas sababo la xiriira waqti aysan u heleyn nidaamka academic ah oo sanado raba, dhaqaale xumo iyo niyad jab ay ka qaadeen nidaamka caadiga ah ee jaamacadaha. Arrintan awgeed, waxaa muhiim ah in bulshada lagu wacyigeliyo in wax is barida ay noqon karto beddel dhab ah, gaar ahaan marka aysan jirin fursad ay ku helaan waxbarashada cadiga ah.

Dunida maanta shirkadaha caalami ah sida Cisco, CompTIA, Google, Microsoft iyo Amazon ayaa bixiya imtixaano xirfadeed oo adag, qof walba wuxuu baran karaa xirfad kadibna imtixaanka ayuu gali karaa si uu u helo shahaado ay shirkad weyn dammaanad qaaday, taas oo qiimo leh, laguna kasbado xirfad iyo kalsooni shaqo. Sidaas oo kale haddii shirkadaha Soomaaliyeed sida Hormuud, Premier Bank ama kuwa kale ay sameeyaan imtixaano rasmi ah oo lagu hubiyo aqoonta qofka, waxaa dhalan kara nidaam cusub oo qofka siinaya shahaadooyin lagu kalsoonaan karo. Waxaa suuragal noqon kara in la helo shahaadooyin ay sumad u tahay shirkaduhu sida Hormuud Network Certified (HNC) ama Premier Bank Developer Certified, taas oo qofka ka dhigaysa mid xirfad iyo aqoon dhab ah wata, isla markaana suuqa shaqada ku geli kara kalsooni.

Waxaa jirta dhibaato kale oo muuqata oo ah in xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed aan lagu kalsoonaan karin oo marar badan aan la hubin, taas oo sababtay in shaqooyin badan loo raadiyo dhalinyaro ajaaniib ah. Sanad kasta tobanaan kun oo arday ayaa qalin jebiya, balse marka si dhab ah loo eego waxaa laga yaabaa in kaliya boqol ka mid ah ay yihiin xirfadlayaal, inta kalena ay yihiin kaliya arday buug difaacday oo shahaado la siiyay. Taasina waxay keentay in fursadihii shaqo ay lumiyaan dhalinyaradii xirfadaha lahayd, sidoo kalena lagu kadsoomo oo la shaqaaleysiiyo qof aan xirfad dhab ah lahayn oo kaliya jamacad kasoo baxay sababtayna in kalsoonida dhalinta lagu qabo lunto. Arrinkaan waxaa xal u noqon kara nidaamka Professional Certification-ka ay bixinayaan shirkadaha waaweyn, maadaama shahaadadaasi caddeyn doonto qofka inuu si dhab ah u yaqaan xirfadda uu sheeganayo, isla markaana uu leeyahay xirfad lagu kalsoonaan karo.

Dalka wuxuu maanta u baahan yahay xirfadlayaal dhab ah oo buuxiya baahida dhismaha, tiknoolajiyada, caafimaadka iyo maaliyadda. Waxaa muuqata in heerka waxbarashada caadiga ahi hooseeyo marka loo barbar dhigo dalalka deriska ah, halka dhalinyarada Soomaaliyeed ee si dhab ah u heshay xirfad ay aad u yaryihiin. Nidaamkan certification-ka ah wuxuu sare u qaadi karaa heerka waxbarashada iyo xirfadaha, wuxuuna siin karaa kumanaan dhalinyaro ah fursad ay iyaga iskood wax u baran karaan kadibna imtixaan rasmi ah galaan si ay shahaado dhab ah u helaan.

Dalal badan ayaa tusaale noogu filan. India waxay noqotay quwadda IT-ga adduunka ka dib markii shirkadaha gudaha iyo caalamka ay mideeyeen nidaamyo certification ah oo dhalinyaradooda ku riixay inay noqdaan xirfadlayaal caalami ah. Jarmalka nidaamka “Ausbildung” ayaa dhalinyarada siinaya xirfad la cabbiri karo oo imtixaan adag lagu hubiyo, taas oo sababtay in aan loo baahnayn shaqaale dibadda laga keeno. Kenya waxay furtay ICT hubs dhalinyarada siinaya tababar iyo imtixaano xirfadeed, taas oo Nairobi ka dhigtay xarun tignoolajiyadeed oo muhiim u ah bariga Afrika.

Haddii nidaamkan Soomaaliya laga hirgeliyo wuxuu sare u kicin karaa kalsoonida shaqo-bixiyeyaasha gudaha, wuxuu meesha ka saari karaa baahida loo qabo shaqaalaha ajaanibta ah, wuxuuna dhalinyarada siin karaa fursad ay suuqa shaqada gudaha iyo dibaddaba si sharaf leh uga qeyb qaataan. Waxaa la filan karaa in tobanka sano ee soo socda Soomaaliya yeelato jiil xirfadlayaal ah oo leh xirfado lagu kalsoon yahay, kuwaas oo aan ku koobnayn degree jaamacadeed, taasna waxay noqon doontaa dariiq horumar dhaqaale iyo bulsho lagu gaaro.

In kasta oo jaamacadaha qaarkood ay u arkaan nidaamkan mid khatar ku ah ganacsigooda, haddana waa fursad weyn oo lagu badbaadin karo aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed. Haddii shirkadaha iyo hay’adaha gudaha ay qaataan nidaamkan, waxaa suurtagal noqonaya in Soomaaliya noqoto tusaale cusub oo gobolka ka hirgala, dhalinyaraduna helaan jaanis ay ku xaqiijiyaan riyadooda iyagoo ku dhisan tahay xirfad iyo shahaado caalami ah oo la isku halleyn karo.

— Sharafdin Yusuf