Haddii aad is weydiiso buug aad akhriso inta aanu sanadka dhamaan waxaan kusoo jeedin lahaa inaad akhriso The Modernist Menace to Islam. Buuggan uu qoray Daniel Haqiqatjou wuxuu si adag uga hadlayaa halista modernism-ka iyo sida fikradaha casriga ee laga keenay Galbeedka—sida secularism, feminism, liberalism iyo humanism—loogu soo dhoofsaday dunida Muslimiinta, iyadoo lagu magacaabayo “casriyeen.”

Qoraagu wuxuu ku doodayaa in modernism laftiisu yahay diin cusub oo leh qiyam iyo sharciyo ka hor imanaya Qur’aanka iyo Sunada, isla markaana si tartiib tartiib ah uga fogeynaya Muslimiinta shareecada Alle. Waxa uu tusaale uga dhigay sida qaarkood u fasiraan Qur’aanka si uu ugu ekaado fikirka Galbeedka, ama u yiraahdaan hijabku waa dhaqan hore aan casriga ku habboonayn.

Haqiqatjou ma diidayo horumar iyo aqoon farsamo, balse wuxuu ku adkaysanayaa in Muslimiintu qaadan karaan tiknoolojiyadda casriga ah iyagoo ilaalinaya diintooda, halkii ay ka bixin lahaayeen aqoonsigooda si ay ugu ekaadaan Galbeedka.

Waa buug digniin ah, buug dhiirrigelinaya kalsooni, iyo buug dadka Muslimiinta ah baraya inay kala saaraan waxa waxtar u leh iyo waxa burburinaya. Akhrintiisu waxay qofka siinaysaa aragti cad oo ku saabsan sababta modernism-ku u noqon karo khatar dhab ah oo lagu lumo haddii aan si caqli iyo diin ku dhisan loo wajahin.

— Sharafdin Yusuf