Apple waxay wajahday hoos u dhac dhaqaale oo culus kadib markii ay shaacisay iPhone 17. Maalinta la soo bandhigay ayaa qiimaha saamiga Apple hoos uga dhacay in ka badan 3%, taas oo shirkadda ku khasabtay in ay waaydo ku dhawaad $100 bilyan. Laba maalmood gudahood ayuu khasaaruhu kor u dhaafay $112 bilyan, waana dhacdo ka mid ah khasaaraha ugu weyn ee Apple wajahdo sanado badan. Dhacdadani waxay muujisay niyad-jab weyn oo ka yimid dhinaca suuqa, sababtoo ah iPhone 17 waxa uu keenay isbeddello yar-yar oo aan la jaanqaadi karin filashada bulshada iyo maal-gashadayaasha oo sugayey hal-abuur weyn oo AI ah.

Dhanka kale Samsung iyo Google waxa ay suuqa ku soo bandhigeen waxyaabo hal-abuur leh sida foldable phones iyo large-screen devices, kuwaas oo dadka tusay in tartanka tiknoolojiga uu u socdo jiho cusub. Isbarbardhiggaas ayaa suuqyadii iyo dadka ku qasbay inay weydiiyaan: Apple halkee ayay ku dambeeysaa marka laga hadlayo hal-abuurka iyo mustaqbalka tiknoolojiyada? Waxaa muuqata in maanta macaamiisha iyo maal-gashadayaashu aysan ku qanacsaneyn in sannad kasta la keeno wax kaabis yar oo muuqaal iyo shaqo ku kooban, balse waxay dalbanayaan wax ka weyn, gaar ahaan dhinaca AI oo noqday loollanka ugu weyn.

Falanqaynta mustaqbalka ayaa muujinaysa laba arrimood. Midda hore waa in suuqu uu beddelay cabbirka lagu qiimeeyo shirkadaha – qof kasta wuxuu rabaa hal-abuur muuqda. Midda labaad waa in tartanka AI iyo foldable phones uu noqday dagaalka cusub ee horyaalla. Google iyo Samsung waxa ay muujinayaan jiho cusub, halka Apple ay u muuqato mid ku socota qaab horey loo ogaa oo aan xiiso lahayn.

Apple weli waxay leedahay sumcad xooggan, operating system oo ay malaayiin isticmaale ku tiirsan yihiin iyo awood dhaqaale oo weyn. Laakiin dhacdadan waa digniin cad: shirkad weyn kuma badbaadi doonto caajis iyo ku ekaansho isbeddello yar-yar. Haddii aysan la imaanin AI awood leh iyo qalab casri ah oo dadku si dhab ah u dareemaan, waxaa dhici karta in hoggaankii ay muddada dheer haysay suuqa laga qaado.

Dhacdadan ma aha oo kaliya hoos u dhac suuqa ah, balse waa cashar muujinaya in tartanka tiknoolojiyada casriga ah uu galay marxalad cusub. Hal-abuurku waa furaha, filashaduna waa joogto. Su’aasha horyaalla Apple maanta waa mid cad oo bulshada iyo maal-gashadayaashu wada weydiinayaan: “Maxaa cusub oo aad keenaysaan?”

— Sharafdin Yusuf