Shahaado sare ma dammaanad qaaddo garasho. Qofku wuu baran karaa, wuu xifdin karaa, wuuna gaari karaa heer sare. Laakiin weli taasi macnaheedu ma aha inuu leeyahay xikmad.

Aqoontu waa ururinta xaqiiqooyinka. Waa xog la barto, la akhriyo, lana xafido. Waxay nooleysaa maskaxda qofka, waxayna siisaa awood uu wax ku fahmo, ku sharxo, kuna qabto hawlo badan. Laakiin aqoontu keligeed ma aha dhammaadka safarka.

Xikmaddu waa isku xirka dhacdooyinka ja fahamka nuxurka ka dambeeya. Waa kala garashada waxa muhiimka ah iyo waxa aan muhiimka ahayn. Qofka ugu caqliga badan madasha ma aha kan xogta ugu badan haya. Waa kan garanaya waxa mudan in la yiraahdo, waxa mudan in la sameeyo, iyo waxa habboon in la iska daayo.

Aqoontu waxay ku baraysaa sida wax loo kariyo. Xikmaddu waxay garataa goorta cusbo lagu daro. Aqoontu waxay ku siisaa qalab. Xikmaddu waxay ku siisaa jihada aad qalabkaas u adeegsan lahayd. Aqoontu waxay ka jawaabtaa “Sidee?”. Xikmaddu waxay ka jawaabtaa “Maxaa loo sameeyaa?” iyo “Ma mudan tahay?”.

Aqoontu badanaa waxay ka timaaddaa buugaag iyo macallimiin. Xikmaddu waxay ka dhalataa waaya-aragnimo iyo nolol la soo maray. Qof khalad sameeyay oo wax ka bartay mararka qaar wuu ka xikmad badan yahay qof aan khalad samayn balse wax badan akhriyey. Aqoontu si degdeg ah ayay u korodhaa. Xikmaddu si tartiib ah ayay u bislaataa.

Sida uu yiri Socrates: “Nolosha la is waydiin ma mudna in la noolaado.” Nolol qiimo leh waxay ku bilaabataa is-weydiin. Halkaas ayay xikmaddu ka bilaabataa.

Aqoontu waa ogaanshaha inaad dhimanayso. Xikmaddu waa fahamka in taasi ka dhigeyso daqiiqad kasta mid qaali ah. Sidaas darteed ha ku ekaan ururinta xaqiiqooyinka oo keliya. Dhis macne. Waxa aad ogtahay kuma qeexaan. Waxaa ku qeexa sida aad u fahamto, una noolaato macnaha waxa aad ogtahay.

— Mr Sharafdin